Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 20 September 2019

Rabi Samir Iyo iimaan Ha Ka Siiyo Duriyadi U Ka Baxay Iyo Inti U Ka Tagay .. Kawaanki Lagu Waslad-Wasladeeyey Wariye Jamal Khaashoji Oo Xogo Dheeraad Ah Ka Soo Baxday

Wednesday - September 11, 2019



Wargeys laga leeyahay dalka Turkiga ayaa daabacay macluumaad cusub oo ku saabsan cod la duubay, kaasoo uu wargeysku sheegay inuu diiwaan galiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee uu wajahay wariyihii la dilay ee u dhashay dalka Sacuudiga, Jamaal Khaashuqji.

Jamaal oo ahaa nin ku caan baxay cambaareynta dowladda ayaa bishii Oktober ee sanadkii hore lagu dilay qunsuliyadda uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istambul ee dalka Turkiga.

Wargeyskan lagu magacaabo Sabah, oo taabacsan xukuumadda Ankara ayaa sheegay in qoraalka uu maanta daabacay laga sameeyay codka lagu duubay gudaha, ka dibna ay gacanta ku dhigeen sirdoonka Turkiga.

Khashooji Markii ugu dambeysay ee la arkay wuxuu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, 2-dii bishii Oktober ee sanadkii 2018-kii, isago markaas doonayay inuu halkaas kasoo qaato warqado sharci ah oo uu ugu baahnaa inuu ku guursado haweeneyda u doonaneyd.

Isbuucan wuxuu Wargeysku daabacay labo warbixin oo lagu faahfaahinayo dhimashada Khaashuqji oo ay ka dambeeyeen koox uu ku tilmaamay "kuwa dilalka fuliya".

Warbixintan ugu dambeysay wuxuu wargeysku ku sharraxayaa cod laga duubay goobtii uu dilka ka dhacay .. Qormada waxaa lagu xusay xog ku saabsan inuu nin khabiir ku ah dilalka qorsheysan, oo ka mid ahaa kooxda laga soo diray Sacuudiga, kaasoo wariyaha ku tilmaamay inuu yahay "xayawaan loo dilayo danta guud".

Warbixinta wargeyska Sabah ayaa sheegeysa in Khaashuqji isla markii uu gudaha u galay qunsuliyaddaba uu shakiyay isla markiina loo sheegay in dib loogu celinayo magaalada Riyaad, amar kasoo baxay booliska Interpol awgiis.

Hase yeeshee Wariyaha ayaa diiday dalabka raggii halkaas ku sugnaa, oo ay ka mid ahayd inuu farriin qoraaleed u diro wiilkiisa, ka dibna si khasab ah loo diiday, sida uu wargeysku sheegay.

Wuxuu markaas ka dib raggii dilayay u sheegay inaysan afkiisa xirirn maadaama uu qabo xanuunka neefta, laakiin isla markiiba uu miyir beelay.

Khaashuqji waxaa lagu neef qabateeyay bac madaxa loo galiyay, sida uu sheegay wargeyska Sabah oo xiganayay shanqaraha laga maqlayay codka ku duubnaa cajaladda.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in cajalku uu duubay shanqarta ku saabsan in la jarjaray meydka Khaashuqji, waxaana falkaas geystay ninka khabiirka ku ah dilalka.

Wararka ku saabsan inuu jiro cajal uu ku duuban yahay dilka Jamaal Khaashuqji aya isla dhex marayay tan iyo sanadkii lasoo dhaafay .. Saraakiisha Turkiga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu cajalkaas jiro, waxayna sheegeen inay la wadaageen dowlado caalami ah, laakiin wali ma cadda sida uu wargeyskan ku helay.

Iyadoo hadda ay muddo ku dhawaad hal sano ah kasoo wareegtay geerida Jamaal Khaashuqji, wali lama helin meydkiisa waxaana intaas jiray cadaadis dhinaca beesha caalamka ah.

Horaantii sanadkan, Khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku takhasusay arrimaha la xiriira dilalka aan sharciga loo marin ayaa ku baaqday in baaritaanno madax bannaan lagu sameeyo dhimashada wariyahaas.

Agnes Callamard ayaa geerida Jamaal Khaashuqji ku qeexday "Dil aan geed loogu gabbanin" waxayna sheegtay in "ay mas'uul ka tahay dowladda Sacuudi Carabiya", loona baahan yahay in baaritaanno lagu sameeyo, laakiin dowladda Sacuudiga ayaa gaashaanka u daruurtay hadalka haweeneydaas, waxayna si joogto ah u beenisaa inay mas'uul ka tahay dhimashada wariyaha.