Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Akhbaarti Zamaanka La Yaabka Lahayed Ee Umadihi Hore Ka Dhacay Si Loogu Daydo Ama Loogu Cibrad Qaato .. Nin Alle Kafiil Ka Dhigtay

Friday - September 13, 2019


Caalimki Weynaa Al-Bukhaari ayaa ka wariyay Abuu Hureyra in Rasuulku (SCW) xusay nin reer Banii Israa’iil ah oo ka codsaday nin ganacsade reer Banii-Israaiil ah in uu daymiyo kun Diinaar, markaasuu ku yiri: Markhaantiyaal ii keen, markasuu yiri: Alle ayaa markhaati ku filan, markaasuu yiri: kafiil ii keen, markaasuu ku jawaabay Alle ayaa kafiil ku filan, markaasuu ku yiri: waa runtaa, Kun-kiina wuu siiyay, muddo go’anna waa u qabtay.

Ninkii wuxuu ku safray badda, hawshiisiina waa soo gutay, ka dibna wuxuu raadshay Doon uu soo fuulo oo uu waqtigii loo qabtay ku soo galo hasa ahaate ma helin doon baxeysa, markaas isagoo ka walwalsan waqti loo qabtay ayuu soo qaatay qori, wuxuuna si farsamo ah ka qoray gudaha, dabadeedna lacgti dhex galiyay kun Diinaar iyo warqad isaga ka socota oo ku socota ninkii lacagta daymiyay, ka dibna wuu daboolay, badda ayuuna la yimid.

Wuxuu yiri: Alloow waad ogtahay in aan hebel ka daynsaday kun Diinaar oo uu I weydiistay kafiil oo aan iri: Alle ayaa kafiil ku filan, markaasna uu kugu raalli noqday, haddana wuxuu I weydiistay markhaanti, markaasaan iri: Alle ayaa ku filan markhaanti, wuuna kugu raalli noqday.

Waxaan ku dadaalay in aan helo Doon aan ugu diro wixii uu lahaa, mana awoodin ee Alloow adiga ayaan kugu amaanaystay, wuxuuna ku tuuray badda ilaa ay dhexgashay, ka dibna wuu iska tagay. Intaana wuxuu sii raadinayay Doon uu ku aado ninkii magaaladiisa.

Waxaa soo baxay ninkii xoolaha daymiyay, isaga oo eegaya inuu Doon xoolihiisii u sida yimid, markaas ayuu arkay qorigii xeebta Bada heehaabaya , markaas ayuu xaabo ahaan ugu qaatay ciddiisii, markii uu miinshaareeyay ayuu ka helay maalkii iyo warqaddii.

Muddo ka dib ayuu soo galay ninkii uu wax daymiyay, wuxuuna keenay kunkii Diinaar, wuxuuna yiri: Wallaahi intaas waxaan ku dadaalayay in aan markab helo; si aan maalkaagii kuugu keeno, mana helin markab ka horreeya kan aan ku imid. Markaasuu ku yiri: waxba ma ii soo dhiibtay?, markaas ayuu ku yiri: Waxaan kuu sheegayaa in aanan helin Doon ka horreeya kan aan ku imid. Wuxuu yiri: Allaah ayaa kaa guday maalkii aad qoriga ku soo dirtay ee iskala noqo kunka Diinaar adiga oo hanuunsan.