Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waa Khudbadi Ugu Dambeysay Ee Nabi Muxamed ( NNKH) Bani-Aadamka Dhan U Jeediyey .. Dadyahow ii Dhageysta Oo Si Fiican U Dhageysta Warka Aan Idin Sheegaayo

Sunday - September 15, 2019

 

Khudbadii U Dambaysay ee Nabi Muxamed (NNKH)Ka jeediyay Carafa-9kii Dulxija Sanadkii Tobonaad ee Hijriyada ayay ahayd markii uu Rasuulkeenna Suuban (NNKH) uu Bini Aadamka oo dhan uu ujeediyay khudbad ay mudantahay in qof walba Muslim iyo Gaalba ay akhriyaan. Waxay ahayd Xajkiisii Ugu horeeyay Uguna dambeeyay ee rasuulku soo guto.

 Waxaynu oghayay in Nabi Muxamed (NNKH) uu afar jeer soo cumraystay Balse uu hal mar kaliya soo gutay waajibaadka xajka. .. Khudbadii uu Rasuulku Maalintaas jeediyay waxay ahayd, fariin muhiim ah oo ay waajib tahay in qof walba oo muslim ah oo ugu yaraan hal mar akhriyo kalmadihii Rasuulku maalintaas sheegay. 

'' Dadyohow i dhagaysta, ma garanayo in sanadkaan kadib aan mar dambe halkaan soo istaagi-doono. Sidaa daraadeed si fiican u dhagaysta warka aan idiin sheegayo, una sii gudbiya kuwa aysan u suurto galin inay halkaan nala joogaan .. Meeshaan barakaysan, maalintaan barakaysan iyo bishaan barakaysan darteed xasuusnaada inaad dhabtii Rabbigiina la kulmi doontaan, acmaashiinana laydinka xisaabin doono, hadaba digtoonaada .. Dadyohow dhiiggiina iyo maalkiinu waa idinka xaaraan-sanyahay .. Midkii idinka mid ah ee ammaano haya ha u celiyo qofkii iska-lhaa .. Ribbo ( Dulsaar) dhammaanteed waa mamnuuc, ha yeeshee faaidadiin idinkaa iska leh .. Qofna ha dulmiyin adigna laguma dulmin doonee .. Ha iska aargoosanina Dhiiggii aad iska daadiseen waqtigii jaahilyadda .. Dadyohow iska ilaaliya shaydaanka, wuxuu isku dayi doonaa in uu idinku khaldo waxyaalo yar yar uga digtoonaada shaydaanka diintiina darteed .. Raggoow ogaada in dumar-kiinu xaq idin ku leeeyihiin, idinkuna aad iyaga xaq ku leedihiin. Xasuunow in aad ku guursatay, Ogolaanshaha ilaahay iyo rumaysnaantiisa. 

Haweenkiinu waxay xaq idiin ku leeyihiin inaad si naxariis leh u quudisaan uguna labistaan .. Ula dhaqan marwadaada si wanaagsan oo naxariis leh, sababtoo ah waa lammaanaagii nolosha iyo mid mar walba ku caawin doonta .. Dadyohoow si wanaagsan ii dhagaysta .. Caabud Allah (SWT) oo kaliya, si joogta ah u tuko shantaada salaaddood .. Soon bisha barakaysan ee soon-qaadka .. bixi hantidaadda sakko .. soo gudo waajibaadka xajka hadaad awoodid .. BiniAadamka oo dhammi waxay ka yimaadeen Adam iyo Xaawo .. Carabtu kama sarayso kuwa aan carabta ahayn .. kuwan aan carabta ahayna kama sareeyaan carabta .. Dadka Caddaanka ahi kama sareeyaan kuwa Madoow .. Dadka madoowga ahina kama sareeyaan kuwa Cad. kaliya waxaa lagu kala sareeyaa waa camaladiina .. Ogaada Muslimiinta oo dhammi waa walaalo, Islaamni Maduna waxay ku dhisantahay walaaltinimo ..Dadyohoow Ogaada ma jiro Rasuul ama Nabi aniga gadaashayda imaan doona, sidaadaraadeed si fiican U dhuuxa warkayga: 

Waxaan idiinka tagay laba waxyaalood oo kala ah, Quraanka iyo Sunnadayda u gudbiya inta aan nala joogin, waxaa laga yaabaa kuwa warkaygu gaaro inay ka fahmi ogyihiin kuwa toos u dhagaysanaya.

Intaas kadib Rasuulka ( NNKH ) wuxuu khudbadiisii raaciyay Aayaad Quraan ah oo markas toos ugu soo degtay oo ay ka mid ahaayeen (Maantaan idiin kaa-milay Diintiinna, waxaana idiin taam-yeelay korkiina nimcadayda, waxaana idiinka raali noqday islaamka diin ahaan)

Ugu dambayna gabagabadii khudbadiisa ayuu Rasuulkeenii Suubannaa (NNKH) isagoo Codka kor u qaaday, wuxuu yiri ''iLaahayoow Markhaati ka ahoow inaan fariintaadii u gudbiyay Dadakaaga''------Maalintaan Carafaad ee barakaysan darteed,
Fadlan la wadaag qoraalkaan asxaabtaada kale, dhammaanteenna aynu is cafino.

Ku Sali Nabi Maxamad NNKH S.C.W