Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Ciidamada Mareykanka Oo Hubkoodi Cabeystay ..Trump Oo Sheegay Inusan Badrad Iyo Ciyaar Ku Galeyn Dagaal Haddi Aan War Laga Helin Sacuudiga

Monday - September 16, 2019



Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay qoryahooda cabeysteen una diyaar yihiin inay ka jawaabaan weerarkii lagu qaaday mid ka mid ah goobaha ugu weyn shidaalka dalka Sacuudiga.

“Waxaa jirta sabab aan ku aaminno inaan naqaan cidda weerarka fulisay” ayuu Trump ku yiri qoraal uu barta twitter-ka soo dhigay Axaddii.

Trump ayaa sheegay inuu Sacuudiga ka sugayo inuu ka maqlo cidda ay rumeysan yihiin inay ka dambeyso weerarka iyo nooca tallaabada ay ku xijin doonaan.

Goor sii horreysay, xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa twitter-ka soo dhigay “iiran waxay iminka weerar aan caadi ahayn ku qaadday halka tamarta looga qeybinayo dunida”, isaga oo diiday sheegashada kooxda Xuutiyiinta ee weerarka .. Iran ayaa eedeymaha ku saabsan inay weerarka ka dambeyso ugu yeertay “been midda ugu weyn.”

Goobaha ay suurta-galka tahay in Sacuudiga iyo Mareykanka ay beegsadaan ee Iran “ayaa noqon kara xarumaha muhiimka ah ee shidaalka dalkaas lagu sifeeyo” waxaa sidaas VOA u sheegay Ali Shihabi oo ah aas-aasaha hay’adda Arabia Foundation.