Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Dulmigu Daawadiisa Waa Dil .. Nin 19 Sano Si Qalad Xabsi Ugu Jiray Oo Malaayiin Dollar Lagu Xaal Mariyey

Monday - October 14, 2019



Nin u dhashay dalka Australia oo lagu magacaabo David Eastman ayaa mudo 19-sano ah kadib laga soo daayay xabsi uu ku xirnaa ,kadib markii la ogaaday in ninkaasi si qaldan xabsiga loogu xukumay.

David Eastman ayaa xukun xabsi daa’in ah lagu riday sanadkii 1996-dii , ninkan ayaana loo heestay dil loo geestay Colin Winchester oo ahaa ku xigeenka taliyaha booliiska federaalka dalka Australia.

Sargaalkan ayaa Madaxa laga toogtay isaga oo hor taagnaa gurigiisa, waxaana dilkaasi la sheegay in uu xiisad ka dhaliyay dalkaasi, waxa uuna ahaa sargaalkii ugu sareeyay oo booliis ah oo lagu dilo Australia.

David Eastman ayaa 19 sano kadib maxkamadda rafcaan xukuntay in si qaldan xabsi ugu jiray, waxa ayna Maxkamada xukuntay in ninkaan lasii daayo sidoo kale la siiyo lacag gaareysa $4.8 milyan oo doolar.