Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Geed Adeyg Jawaahir Maxamed Oo Bambadi Siyaasadeed Biinka Ka Furay .. Abiy Axmed Oo Looga Awood Roonaaday Adis Ababa

Thursday - October 24, 2019



Jawar Maxamed ayaa lagu sheegaaa inuu yahay ninki sababta u ahaa inuu isbeddel uu ka dhaca dalka Itoobiya, gaar ahaana waa ninki ku kalifay inuu is casilo Ra’isal wasaare Dr Hailemariam Desalegn, isaga oo hoggaaminayey mudaharaadyadii Itoobiya ka billawday 2016-kii.

Waxaa jiray warar sheegaya inay isaga iyo ra’iisalwasaaraha Itoobiya oo horay xulafo u ahaa ay kala boodeen .. Jawar Maxamed ayaa sheegay in xaley lagu soo weeraray gurigiisa oo ku yaal magaalada Addis Ababa kaddib markii la sheegay inay ciidammo amniga ay gaareen gurigiisa, hasa ahaate Dowladda Itoobiya kama aysan hadlin arrintan.

Jawaar wuxuu sheegay in ciidammada dowladda ay ilaaladisa ku amreen inay isaga soo baxaan gurigiisa isago aan lagu wargelinin sababta. Wuxuu ku anddoocaday in tallaabadaas looga gollahaa in halis lagu geliyo noloshiisa.

Waa kumaa Jawar?

Magaciisa oo seddexan waa Jawar Siraaj Maxamed wuxuuna u dhashay qowmiyadda Oromada .. Jawar wuxuu 12-ka bisha May 1986 uu ku dhashay magaalada yar ee lagu magacaabo Dumuga oo ku taalla xadka ay wadagaan gobolladi hore ee Arsi iyo Harar .. Jawhar aabihii waa Muslim hooyadiina waa Kiristan Madhabta Orthodox aaminsan.

2006-dii marki uu dhiganayey jaamacadda Standford wuxuu Jawar aasaasay Ururka Dhalinyarada Oromada Caalamka (IOYA), isaga oo billaabay inuu u dhaqdhaqaaqi inuu dhalinyarada Oromada ee dibadaha ku nool ay midoobaan si ay u raadiyaan qaddiyadda qowmiyadda Oromada.

Jawar wuxuu ku soo caan baxay khudbadaha iyo bandhigyada uu kaga hadlo siyaasadda dalka Itoobiya, isaga oo weliba qurba-joogta Oromada ee Mareykanka ku nool hormuud u ahaa.

Jawar Maxammed ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xubin ka ugu muhiimsan ee aasaasay ururka dhalinyarada Oromoda ee ‘Qeeroo’ oo dalka gudahiisa mudaharaadyada sababay iney dowladda isbeddesho sameeynayey.

Gaar ahaanna Jawar waxaa si gaar ah uu ugu soo caan baxay jidgooyooyinki maalmaha socday ee lagu sameeyey jidadka soo gala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ugu dambeyntina sababay inuu ra’isal wasaarihi hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn uu iscasilo xilkana uu la wareego Dr Abiy Axmed oo qowmiyadda Oromada u dhashay.

Jawar waa mulkiilaha isla-markaana maamulaha talafishiinka caalamiga ee OMN oo af-Oromo ku baxa marki dambana af-Amxaari lagu biiriyey .. Dalka Itoobiya marki uu isbeddelka ka dhacay 2018-ka ayuu dib ugu soo laabtay dalka Itoobiya.

Xiriirka Abiy Axmed iyo Jawar

Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed iyo Jawar Maxamed waxay ahaayeen laba qof oo aad isugu dhow, Jawhar marka uu dalka imanayey 2018-kiina wuxuu Dr Abiy uuu soo dhaweeyey si maqam sare ah.

Hase yeeshee, bilihi ugu dambeeyey waxaa soo ifbaxayey khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay iyada oo warbaahinta OMN uu leeyahay Jawar ay marar tabiyeen barnaamijyo ay ku dhaliilayaan siyaasadda Dr Abiy.

Dr Abiy Axmed shalay mar uu baarlamaanka dalkaasi hortagayna wuxuu carrabka ku dhuftay iney jiraan shaqsiyaad qurbajoog ah oo xorriyadda saxaafadda si khaldan u isticmaalaya, wixi hadda ka dambeeyana aan loo dul qaadan doonin dhibaatooyinka dalka ay ka wadaan. Afka ay doonaanna ha ku hadlaane tallaabba sharci ah laga qaadayo.

Hadalka Dr Abiy ayaa loo fasirtay inuu si aan toos ahayn uu shalay u weeraray Jawar Mohamed taasoo sababtay iney ciidamada federal ah iney xalay gurigiisa ugu galaan.

Taageerayaasha Jawar oo ka xun sida ay dowladda federaalka ula dhaqantay ayaa maanta xiray qaar ka mid ah waddooyinka deegaanka Oromada