Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

UNICEF: Somaliya Waxay Ka Mid Tahay Dalalka Weli Laga Isticmaalo Gudninka Fircooniga

Saturday - Feb 6, 2016



Sanduuqa badbaadinta carruurta QM ee UNICEF ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in Soomaaliya ay weli safka hore ugu jirto waddamada sida weyn looga isticmaalo gudniinka fircooniga.

Warbixinta ayaa daboolka ka qaaday in dalalka Soomaaliya, Guinea iyo Djibouti ayaa wali si xowli ah looga isticmaalaa habkaan gurracan ee gudninka ah, hase yeeshee boqolkiiba 30 ayuu hoos uga dhacay inta badan dalalka caalamka sida ay sheegeyso warbinta UNICEF oo lagu soo aadiyey maalinta xuska maalinta ka dhanka ah Gudniinka Fircooniga oo ku beegan maanta oo sabti ah .

Qaramada Midboobay ayaa ka shaqeyneysa sidi ay u cirib tiri laheyd Gudniinka Fircooniga oo ah in la jar jaro xubinta taranka gabadha, waxaana ay qabsatay sanadka 2030 in ay noqoto bartimaameedka ugu danbeeya ee Fircooniga.

Labada boqol ee Milyan ee la nool gudniinka fircooniga 44 milyan oo ka mid ah waa gabdho da,doodu ay ka hooseyso 14 sano jirro.

Claudia Cappa oo ah sarkal ka tirsan UNÄ°CEF, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jabuti ay yihiin dalalka ugu badan ee ilaa iyo iminka sida ba,an looga adeegsado caadadaan aadka u gurracan ee gudniinka fircooniga, waxana uu sarkaalkan tilmaamay in 10-ki gabar oo ku dhalata Somalia ay 9 ka mid ahi loo gudo fircooni.
Dalalka Liberia, Burkina Faso, Kenya iyo Masar ayaa soo saaray sharciyo adag oo ka dhan ah fircooniga taasoo hoos u dhigtay gudniinka fircooniga.