Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Beesha Mudulood Oo Sariir Lagu Gamo' Iyo Gogol Ka Dheeraaday .. Shiikh Shariif Oo Ku Baaqay In Godin Iyo Waran Lagu Furto Gawaarida Shaxman Ee ILaalisa Qasriga Farmaajo

Tuesday - November 12, 2019



Wararka hunu-hunuda ee ka iimaanaya magaalada Mogdisho ma aha wax fiican oo xaalada waa laga deeyrinaya iyado goobaha qaarkood ee magaalada ay is dhaafayaan bulsho guuxeysa caro la luudeysa oo haddana afka is galineysa .. waxaa la sheegay in beesha mudulood u ka jiro qaylo dhaan, gafuur-taag iyo tookh lagu hurinaayo colaad looga hortago dawlada u farmaajo madaxda ka yahay .. Waa sida war xuuraanku sheegaye waxay beeshu iska dhaa-dhicinayaan in garta ay dhageystaan-ba ay tahay Gumac Rasaaseed 

Waxaa kalo la tilmaamaya in Shiikh shariif oo wiigaan afkiisa qaban waayey u yiri: Ninki soo joog laga waayo soo jiifso baa laga hela ee Walaahi Suma walaahi Godin Iyo Waran Baa lagu furan-doona Hoyga farmaajo ee lagu ilaaliyo Taangiga qafilan ee ay gaarka ka hayaan afrikaanka .. Waxaa kalo warku intaa ku daraya in Komandoos gaatin cararaya iyo dabaabado lagu soo daadshay agagaarka Madaxtooyada oo tiradooda cidna garaneyn.

Laakiin Wargeyskaan oo dhinaca kale wareysi la yeeshay dadka qarkiis oo mogdisho lagala hadlay ayaa yiri waxaas iyo buuqaas waa hadal uun afka ka jira oo taariikhda soo maray. 

Dhinaca kale, Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku baaqay odayaasha beesha uu ka soo jeedo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kulankaas oo sida la sheegay ka dhici-doona Hotel Lafweyn ee magaalada Muqdisho.

Odayaasha beesha uu ka soo jeedo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guud ahaan Siyaasiinta iyo Waxgaradka beesha ayaa ku ballamay mid ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho waxaana loo yeeray Xildhibaanada ay Mudulood ku leeyihiin labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.