Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Akhbaarti Zamaanki Hore .. Qisadi Haweenaydi U Shanleyn Jirtay Gabadhi U Fircoon Dhalay

Wednesday - November 13, 2019



Nabi Maxamad CS, Mar uu la socday Malakul Jibriil safarkii " ISRAA WAL MICRAAJ" ayay Hawo yar ama Naacaw macaani sidaa u martay .. Nabigu CS wuxuu malakul Jibriil ku yiri " maxay ahayd hawadan yar ee wanaagsani?" .. Malakul Jibriil baa yiri : waa haweenaydii gabadhi Fircoon u shanlayn jirtay ..  Nabiga CS wuxuu yiri : ayay ahayd haweenay-daasi? .. Malakul Jibriil ayaa qisadii uga sheekeeyay Nabiga CS.

Malakul Jibriil wuxuu yiri:  maalin iyadoo haweenay-daasi gabadha Fircoon u shanlaynaysa ayay shanaladii ka dhacday, markaasay tiri: Subxaan Allah .. Gabadhii yarayd ee ay u shanlaynaysa baa tiri: ma aabahay ayaad u jeeddaa?' .. Haweenaydii waxay tiri : Maya, ilaahay ayaan u jeedaa oo ah Rabbigay iyo adiga Rabbigaa iyo Aabaha Rabbigii.

Arrintii baa Fircoon loo sheegay .. Fircoon wuxuu amray in haweenayda loo yeero. Markay u timid ayuu fircoon ku yiri : Rrabigaa waa ayo? .. Waxay tiri: Rabbigay iyo Rabbigaaba waa ilaahay .. Fircoon wuxuu amray in biyo loo karkariyo. Haweenaydii iyo saddex caruura oo ay dhashay oo midi wali naaska jaqo .. Fircoon wiil yar intuu qabtay ayuu haweenaydii ku yiri: Rabbigaa waa ayo? Waxay tiri : Rabbigay waa Alle'.
Wiilkii ugu horreeyay ayuu bihii karayay ku riday. Haddana kii labaad ayuu soo qabtay, markaasuu haweenaydii ku yiri : Rabbigaa waa ayo?' Waxay tiri Rabbigay waa Alle'. Wiilkii labaadna biyihii karayay ayuu ku riday. Ilmihii yaraa ee naaska jaqayay ayaa soo haray. Kiina wuu ka qaaday, markaasuu dhankii biyaha loola kacay .. Goortii la sii waday ayay haweenaydii naxdin la gariirtay .. ilmihii yaraa ayuu ilaahay ka hadliyay, markaasuu yiri: hooyooy xaqa ku adkayso, ballanteenu waa jannada'e'.
Qisadu imisa shay ayaan ka baranaynaa?...