Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Basar Xumida Gangs-ka Ameerika .. Awooowe Somali Oo U Geeriyooday Jir-dil Loogu Geystay Minneapolis Iyo Poliska Oo Qabtay Will 23 Jir Ah

Friday - November 22, 2019



Awoowe soomaaliyeed oo 75 jir ahaa islamarkaana lagu magacaabay Shirwac Hassan Jibril ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar uu ku qaaday wiil madow ah kadib markii ay ku dhex murmeen bas ka dhex shaqeeya magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, USA.

Leroy Davis-Miles oo 23 jir ah ayay boolisku u soo qabteen fal-dambiyeedkan uu ku baxay awoowe Shirwac kaas oo dhacay labo isbuuc ka hor, waxaana ay wararku sheegayaan in awoowe Shirwac uu soo fuulay bas ay saarnaayeen dhallinyaro uu ka mid ahaa Leroy kuwaas oo ku dhex qeylinayay baska, markii uu ka codsaday in ay buuqa yareeyaana la hujuumay.

Awoowe Shirwax markii uu baska uga dagay halka loo yaqaan Chicago-Lake Transit Center, ayay dhallinyaradu ka daba dageen, waxaana wiilka iminka la soo xiray uu wajiga feer kaga dal-dalay awoowe shirwac kaas oo dhulka durba ku dhacay.

Leroy ayaa asxaabtiisa xabadka-xabadka u saaray kadib markii uu feer dhulka la dhigay awoowe Shirwac, waxaana asxaabta qaar ay markaasi bilaabeen in ay baartaan jeebabka awoowe Shirwax ka hor inta aysan goobta ka baxsan.

Awoowe Shirwax oo isbitaalka Hennepin County Medical Center loola cararay ayaa maalmo kadib ku geeriyooday halkaasi, waxaana ay boolisku sheegeen in uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dhanka madaxa iyo maskaxda.

Booliska ayaa sheegay in ninka ay u hayaan fal-dambiyeedkan lasoo taagi doono maxkamad, iyagoona la kaashan doona Hennepin County Attorney’s Office.

Awoowe Shirwac ayaa ifka kaga tagay 8 xarruur ah iyo 7 uu awoowe u ahaa, waxaana lagu sheegay xilliga la weeraray uu ka yimid dhanka masjidka oo uu kusoo tukaday mid ka mid ah salaadaha.

Warar la isla dhex marayo ayaa sheegaya in ay jiraan xiisado horay ugu dhexeeyay soomaalida iyo madowga Mareykanka ah ee magaalada Minneapolis, waxaana booliska oo dhowr jeer oo hore kala dhex galay ku wargeliyay soomaalida in ay ka leexdaan madowga Ameerikaanka ah.