Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Agoonta Ninki Qashow Inkaar Baan Kugu Ognahay .. Almaas Elman Sir Ay Ogaatay Awgeed Oo Maraqeeda Loo Cabay

Saturday - November 23, 2019



Warar sir ah illa xad lagu kalsoonaan-karo oo aan ahayen sheeko halalaasi ayaa sheegay in dilki loo geystay Gabadha Almas Elman u ahaa mid ulakac khidadeysan oo ujeedadiisu ahaa in waxyaabo ay gabadhaas xerada Xalane Ee xayn-daaban arimo ay ka ogaatay awgeed lagu khaarijiyey.

Warkaas sida la yiri waxaa laga xigtay Ajaanib iyagu xayn-daabkaas xalane ku nool balse aan doonayen iney iska-shifaan ayaa si qarsoodi ah uga dhawaajiyey in dilkaas u ku yimi sabab la xariirta gabadha oo marar badan la ogaaday iyadoo si hoos hoos ah shaqaale xerada ka tirsan oo weydiineysa hadey jirto warshad hog ah oo caruurta iyo dadka maatada ah lagu furfurto kelya-hooda iyo beer-kooda, sidaas awgeed sida la tuhmaayo warkaas wuxuu gaaray Baastariinta Maafiyada hawsha Kawaankaas ku mashquulsan ayaa la saadaalinaya in dilkeeda ay iyagu ka dambeeyeen, lamana yaqaano sida masuullinta xeradaas u soo dhaweynayaan gudiga baarista dawlada ee dooneysa iney dhacdadaas ka sal gaaraan, waayo ma cuntameyso gabadhaas xabad wiifto ah ayaa haleeshay, laakiin amarka madaxda xeradaas ka jira ayaa markasta ku soo indha cad: Digtoonow dib u jeenso, sua'alna ha ka keenina waxaan xerada ka sameyno.