Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Tirada Dadka Qaxootiga Ee Suuriya Oo Sii Kordheysa

Sunday - Feb 7, 2016



Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini, ayaa sheegtay in Turkiga uu niyad u hayo waajibna ka saaran yahay caawinta dadka qaxootiga ah ee Suuriya ka soo qaxaya.
 
Asagoo hadlaayay kaddib kullan ay yeesheen wasiirada arrimaha dibadda ee EU, Ms Mogherini waxa ay tilmaantay in marka la eego xeerka caalamiga ah ay mamnuuc tahay in qaxootiga lagu celiyo meel halis u ah naftooda.
"Waa niyad, hadeysan ahayna waa howl sharci ah in “aanan la celin” lana difaaco kuwa u baahan ilaalinta caalamiga ah, ee magan-gelyo doonka ah. lama su’aali karo, xaqiiqda ah waxa dadkan ka soo saaraya gudaha Suuriya iyo inay u baahan yihiin daafac caalami ah." Ayuu Yiri.
 
Turkiga waxa uu sheegayaa inaysan jirin baahi kumanaan Suuriyaan ah oo ka soo baxsanaya dagaalka Xalab inay xuduudda ka soo gudbaan. Iyadoo ay siinayaan cunno iyo hoy lagu diyaariyay gudaha Suuriya.
Labadii maalin ee la soo dhaafay, 35 kun oo qof ayaa Soo gaaray magaalo ku taalla xadka Turkiga ee Kilis, Laakiin govarnatooraha gobolka xuduudda ku yaalla ee Turkiga waxa uu sheegay in cunno iyo hoy ay dadkaasi ku siiyeen gudaha Suuriya.
 
Dalia al-Awqati oo ka tirsan hay’ad lagu magacaabo, Mercy Corps, waxa ay sheegtay inaysan jirin meel qaxootiga ay ku badbaadaan. Waxay intaas raacisay in duqeymaha diyaaradeed ay sii xumaynayaan xaaladda iyo in la gaarsiiyo gargaarka dadka u baadan.Waxa ay sheegtay in, "Duqeymaaha diyaaradaha waxay u soo dhawaanayaan xuduudda, meel u dhow xuduudda Turkiga, taasna waxa ay macneheedu tahay in si aan joogto ahayn aan dadka ugu taageerno gudaha Suuriya. Xaaladda way ka halis badan tahay sidii ay ahayd bishii October, ka hor faragelinta Ruushka. Waxaan aragnay in la duqeynaayo mel u dhow xadka, waxaan aragnaa in shacabka ay halis ku jiraan, dhabcan, iyo shaqaaraha arrimaha aadanaha xilliga ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo”.
 
Turkiga waxa uu sii socashaha duqeymaha Ruushka ee Xalab ku sheegay inay sii kordhineyso tirade qaxootiga ayna gaari karto 70 kun oo qof.