Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Suubanaheena Rasuul Maxamed SCW Oo Ka Digay In Aan Wax-yaabaha Xun-Xun La Saadsan Oo Afka Lagu Badin ..Wixii Aad Saadsato Waa Wax Kugu Soo Maqan

Monday - November 25, 2019



Waa waayaha ka mida ayaa Jillaagii caanka ahayd ee reer Masar ee lagu magacaabi jiray Wadiid
Xamdi ayaa wadahadal dhex maray isaga iyo Jilaa kale oo la oran jiray Kaamiiliya, xilli ay ku guda-jireen jillida filim caanka ah ee lagu magacaabo: " ﻗﻤﺮ14 ".
Mid ayaa Jilaagi kale Ku Tiri: Eebbe waxa aan kaaga baryayaa in aad dhimatid adigaoo gubanaya. Tii kale oo jawaabeysa ayaa iyadana tiri: adna waxa aan illaahay kaaga baryayaa in aad dhimatid adiga oo Mindi wadnaha kaaga jirto.

Haddaba waxa la yaabka leh ay tahay in gabadhi Wadaad Xamdi ay dhimatay iyada oo gubanaysa kaddib shil diyaaradeed oo dhacay sannadii1950-kii .. Halka gabadhi kale ee la oranaayey Kaamiiliya iyaduna uu dilay tuug gurigeeda u soo dhacay oo Mindi wadnaha ka geliyay sannadii 1994-tii.

Dhacada kale, Fannaanka caanka ah ee Masar ee lagu magacaabo Ismaaciil Yaasiin ayaa waxa uu leeyahay hees caan ah oo ku jirta Filimka la yidhaahdo "Saaxibtu Cusma" Heestaas waxa ku jirta ereyo
uu ku leeyahay: illaahayow faqiir aan waxba haysan iga dhig .. Ugu danbayna waxa uu geeriyooday isagaoo faqri ah. Xitaa iyada oo la waayay kharashaadkii lagu duugi-lahaa janaasaddiisa.

Mar kale wareysi lala yeeshay jillaaga caanka ah ee Carbeed ee lagu magacaabo "Anwar Wajdi" Ayaa waxa ay weydiiyeen midka uu door-bidayo in uu helo 'Caafimaad' iyo 'Maal' haddii la yidhaahdo kala dooro .. Waxa uu yiri:Waxa aan door-bidayaa oo illaahay weyddiisanayaa in aan helo afarta Maal adduun iyo sidoo kale waxa xanuun adduunka korkeeda yaalla .. illaahay ducadiisi wuu ka aqbalay oo waxa uu noqday taajir afarta maal adduun Eebbe isugu keenay, laakiin nasiib darro illaahay waxa uu ku salliday xanuuno baas oo sababay in uu geeriyoodo isaga oo ah wiil dhalin yaro ah oo markaas uun dunidu bilaw u tahay.

 Haddii aynu ku sii socdo qormadaan .. Mar kale waxa dhacday in fanaankii caanka ahaa ee u dhashay boqortooyada Sacuudi Carabiya ee lagu magacaabi jiray "Madaax Dalaal" wuxuu mar wareysi ku yiri:
"illahayow waxa aan kaa baryayaa oo aan kaa tuugayaa in aad nafta iga qaadid aniga oo bartanka u taagan Tiyaatarkii iyo masraxii aan heesaha ka qaadayay" Haddaba in muddo ah kadib ayaa waxa dhacday mar uu tagay Koonfurta Sacuudiga oo uu hees ka qaadayay Tiyaatar ilyartu is qabatay oo Jamhuurkii oo dhan soo buux dhaafiyey; in uu kursigii Masraxa ka dhacay oo uu dhulka ka soo go'ay .. kaddibna wadnahu istaagay; halkaasna uu ku geeriyooday.

 Haddaba Suubbanihii Muxammad (ﷺ) (Shacni iyo naxariiskorkiisa ha ahaatee) waxa uu ka digay in aan waxyaabaha xun xun aan la saadsan oo aan afku lagu badin, sababta oo ah buu yiri: "Samada Eebbe oo furan xilliyada qaarkood oo ducaduna Mustajaab tahay".