Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Akhbaarti Zamanki Hore .. Qiisadi Xanuunka Badneyd Ee Ka Dhacday Arlada Yaman " Asxaab Al-Akhduud"

Wednesday - November 27, 2019


Sida Quraanku Xusay, waxay qisadu ka dhacday arlada Yaman gaar ahaan magalada Najraan, laakiin waqti xaadir magaaladaas waxay ku dambeysa gacanta maamulka boqortooyada Sacuudiga .. xilgaas waxaa magaalada boqor ka ahaa boqor la oran jiray Al-Nawaas oo haystay diinta Yuhuudiyada.

Boqorka ayaa maalin maalmaha ka mida lagu soo war-galiyey in degaanka xukunkiisa hoos yimaada ay ka jiraan dad haysta diinta Masiixiga .. boqorka oo arinkaas ka careysan ayaa isaga laftiisa meeshi dadkaas ay joogeen tagay oo inta dadkii goob fagaara ah isugu yeeray kala doorensiiyey in qofkii ku adkeysta diinta masiixiga lagu ridi-doono holac naareed goobta ka shidnayd, isla markaana Qofkii iska bar yeela kana durka diintaas ciqaabtaas laga cafin-doono.

Dadkii inti badneyd markay arkeen halaaga ciqaabta meesha ka socota waxay door bideen iney ka baxaan diinta Masiixiga, hasa ahaate hooyo xambaarsaneyd wiil todoba bilood jiray ayaa si lama filaan ah ula hadlay hooyadiis oo ku yiri "hooyo diintaada waa xaqe ha ka bixin oo Naartan baa noogu dambeysa. dabadeed hooyo iyado aan hareeraha eegin iyada iyo wiilkeedi sidaas ayey bohoshi dabka holceysay loogu tuuray oo halki ku shiilmeen.

Nin Oday ah oo ka mid ahaa dadki waqtigaas haystay diinta masiixiyada ayaa marku arkay dhibka iyo ciqaabta lagu hayo dadka Msiixiga ah ayuu gurmad safar ku tagay dalka Ruum oo la kulankiisi boqorkii isku oohiyey ku calaacalay in dadkii Najraan reer Yaman ee masiixiga ahaa si waxshnimo ah dilkooda loo kala eegeyn hooyo, caruur iyo waayeel-toona oo sidi waslad waslad loo shiil shiilaayo.

Boqorkii Ruum oo ka calool xumaaday warkaas loo sheegay ayaa dhambaal u diray boqorkii xabashida oo ahaa Boqor Najaashi .. Boqor Najaashi ayaa Suuf iyo xanjo isugu xiray sidu gacanta ugu dhigi-lahaa Yaman oo halkaas ciidamo xoogan u soo diray oo dadki Najaraan ka xoreeyey ciqaabti ku socotay.

Xabashidu duulaankaas ay ku soo qaaday dalka Yaman waxay Yaman xukumeysay 72 sano, waxaana xukunka isaga dambeeyey Abraha Bin Raashi, kadib wilkiisa Afriqis Bin Abraha, kadib walaalkiis Cabd Bin Abraha iyo ugu dambeyn Mashruuq Bin Abraha oo dadka Yaman kala kulmeen xanuun iyo hoog aan yareyn. waxaana ugu dambeyn xabashidi iyo qoyski Abraha dalka ka xoreeyey Nin carabta Yaman ahaa oo la oran jiray Macad Yakrib ninkaaso is bahaysi taageero ka helay dawladi Furuska-iiraan ee waqtigaas xoog ku lahayd mandiqada.

Wafuudi ka qayb gashay waqtigaas hambalyadi xoreynta Yaman waxaa ka mid ahaa Cabdi Mudalib Bin Haashim oo Xaramka ka ahaa Oday dhaqmeed oo goobti xaflada si faafaahsan qurux badan oo soo jiidasho leh uga waramay duulaankii Abraha iyo jabkii kaga dhacday Xaramka, isla markaana goobti ka tiriyey Gabay dheer amaan wac uga siiyey tilmaamay sida cadawgi carabta loo baacsaday tartarada loo jaray.