Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Ninba Waa Mare .. Turkiga Oo Baadi Goobaya Dawlad Somali Oo U Farta Ugu Yeero

Thursday - November 28, 2019



War la xigtay oo ka soo baxay Dipolmaasiyiinta mareykanka ayaa sheegaya in dawlada Turkiga mudaba baadi goob iyo xusul dub soo taxnaa ugu jirtay shakhsi geesi dhaba, garasho iyo Tawfiiq leh geed xun aan ahayen, oo markaan waqtiga is badalaya awgeed madaxweyne ka noqon-lahaa somaliya, waxaase ku adkaatay iska hubso-shada wax aan u qalmin madaxweyne iyo gorfeynta nin dhinaca shacabka cataabaya ka gadmi-kara, isla markaana suul iyo saxiixba wanaajiya aayaha xiriirka Turkiga, Qadar iyo Somaliya, taaso ah sidi Xeegana-xeego u noqon-lahayed, ilkana u nabad gali-lahaayeen .. Arintaasna ugu dambeysti la tashigeeda waxay masuullinti Turkiga ula tageen amiirka Qadar, taaso ku dhamaatay in guddi sirdoon ah oo labada dhinac ka socda loo saaro.

Bilawgi bishi May 2019 ayaa guddigi si rasmi ah hawshi u bilaabay, gudigaas oo sida xogta lagu helay sadex jeer ku shiray magalada Istanbuul iyo laba jeer oo ay ku kulmeen magalada Dooxa, iyado la xusay in hal mar iyagoo gooni gooni u socda ku huwan magac ganacsato ay yimaadeen magalada Mogdisho halkaasna ay joogeen shan cisho oo ay la kulmayeen dad ganacsato u badan.

Xogtaan oo laga xigtay somali kana mida adeegayaasha (agents) ee xaga wardoonka kala shaqeeya safaarada mareykanka ee ku taal mid ka mida geeska afrika ayaa aaminsan in labada dawladeed ee Qadar iyo Turkiga ay waqtigaan arinka qodaxda ka dhameeyeen oo gacanta ku hayaan shakhsigi loolanka madaxtinimadaas gali-lahaa. 

Adeegaha oo la weydiiyey ninka la tuhunsan-yahay iney dabada ka riixayaan dawladaas wuxuu sheegay in tuhunka uu badan-yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo xaga qabiilka ay ka eegeen, isla markaana xaga akhwaanka u janjeera, waxaana la sheegay iney shiikha ay dhawr jeer kula kulmeen magaalada Istanbuul .. sido kale mar adeegahaas Mareykanka wax laga weydiiyey kaalinta u hawshaan kaga jiro Kureyga Fahad Yaasiin, wuxuu yiri: Fahad Yaasiin oo ahaa muftaaxa Qadar ay u soo marto somaliya maanta meel cirka iyo dhulka dhexdooda ayuu walhanaya oo markaan Qadar sidi hore iskuma aha balse iskuma ay fiicna, mase tilmaamin sababto loo kala booday, walow dadka qaarkiis ay qabaan in Fahad Yaasin warbixinti u ka bixiyey Farmajo u ku mala-habooshey dawlada Qadar oo u ku yiri waa halyey caan baxay, laakiin Qadar ay mar dambe ogaatay in Fahad warbixintiisa ay ahayed maraakiib beena u soo raray, balse Farmaajo yahay daadkii xabaalaha, taaso keentay iney xita ka jarato wixii mucaawino ay siin jirtay