Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Horaa Loo Yiri Dadka Waxa Ay Sheegaan Waxbaa Ka Jira .. Maaliyada U Ka Dhintay Madaxweynihi Hore Ee Dalka Zimbabwe Mugabe Oo La Shaaciyey

Tuesday - December 3, 2019



Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa ka tagay lacag gaaraysa 10 milyan oo doolar sida lagu sheegay wargayska Herald .. Mugabe oo geeriyooday bishii September ayaanan helin wakhti uu ku qoro dardaaranka dhaxalkiisa, taasi oo sababtay in dowladda ay qaado tallaabo lagu baadi-goobayo hantidiisa.

Gabadha Mugabe, Bona Chikowore, ayaa bishii October shaacisay inuu Aabaheed ka tagay $10 milyan oo dollar, Afar guri iyo Beero ku yaala baadiyaha uu ka soo jeedey .. Waxa uu sidoo kale lahaa 10 Gaari, sida wargayska lagu xusay.