Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Akhbaarti Zamaanka Iyo Maalmihi Dhanaanaa ..Ciidanki Jeysh Maxamed Iyo Geesigi Salaaxudiin Ayuub Oo Seefta U Subkaday Si Wacan Loo Soofeeyey Ajar Iyo Jihaadba Gaalo Kurka Hordhigay

Thursday - December 5, 2019


Maalin maalmaha ka mida hogaamiyihi Salaaxidiin Ayubi waxaa soo gaaray war oranaaya: taliyihi ciidamada Faranjiga ee cariga Falastiin dadki xujeyda oo leh dumar iyo caruur ayuu halaag iyo warjeef ku haya, oo kolba marku dilaayo isla weyni ku tiraaba ereyo ah: Aaway Aaway Maxamad-kiini Mu idiin Difaaco

Hogaamiye Salaaxudiin oo ahaa geesi fool adag, Geed adeyg iyo halyey lagu gabado, ayaa warkaas murugada iyo tiic-tiicda leh maalinba maalinta ka dambeysa si is-daba jooga ayaa soo gaarayey .. arinkaas oo u aad uga xumaaday awgeed qolkiisi jiifka laba maalin dhan ayuu ku hulaabtay oo halkaas isagoo indhihiisa ilmada ku soo joogsatay cadceed soo baxdaba baryo ilaahay ugu dhaqaaqay: Alahaayow xumaan adigaa ka hufan oo nagu galadaystay Nabi Maxamed Rasuul Iyo Nabi Ahaanba ee Eboow ii ogoloow inaan Maxamed SCW Wakiil uga noqdo la jihaadka Gaalada Saliibiinta ee musllimiinta duleyneysa .. Eebow Jihaad baan gudoonsaday ee guusha ii siih.

Hogaamiye Salaaxudiin Weer cad goostay oo aaminay in naxariista Alle balaaran-tahay iyo in Alle ajiibo codsiga adoomadiisa, wuxuu bilaabay walan waalin dagaal iyo diyaar-gareeyn ciidan u ku magacaabay "Jeshki Maxamed" kadibna isagoo si dardaaran ah ula hadlaaya ciidanka wuxuu xikmadiisi ku Yiri: Jeyshki Maxamadow Bismilaahi aan iraahdo .. waad la socotaan kibirka iyo falalka xun u ku dhaqaaqay waxashki faranjiga ee cariga Falastiin cunaaya, kaaso ka gablamay garasho dadnimo, balse habeen iyo maalin ugaarsanaya musllimiinti halkaas ku nool ..  Jeysh maxamadow, doofaarka ficil li' naar loogu daayimi oo aniga waan dhaartay, weligeyna ma gaasirin oo maanta waxaan raba inaan hiilka layga baahan-yahay galo oo aan magaca Maxamed SCW Jihaad ku galo .. hadal wuxuu ku koobanyahay waa ino jihaad iyo darajo aakhiro ee Jeysh Maxamadow ma ila qaadateen .. Waa isla markiiba ciidamadi oo guux iyo reen ka baxayo dhankooda ka guntaday ay ku jawaabeen: Haa, Haa Haa oo hadal kama dambeyn

Ciidamadi oo si wada jira u aqbalay taladi Hogaamiye Salaaxudiin waxay duulaan ku qaadeen ciidamadi Faranjiga, halkaas oo goor waaberi arooryo dusha kaga soo dhaceen Qudus la isku haleelay, cadawgi la laayey bilaawuhu dhiiga matagay ay ka dhigeen Fitir-fatir iyo fataatiir, meydku is fer yaal, isla markaana soo qabteen Gaalki Oraan jiray: Aaway Maxamad-kiini mu idin difaaco .. Gaalki Faranjiga oo dhaawac ah miyir gadoomay loo keenay Salaaxudiin isago leh cajabey cajabey war Jeeyshka Maxamed Eebiyo iyo Waran kulula oo Margi-yada iyo Muruq adakaa oo hirka dhiiga muuqda ma halbow-lahayga oo hogaamiye Salaaxudiin indho kulula Oo aarsiga Musllimiinta weynaa