Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Maxad Ka Taqaan Ninki Madaxweynaha Ka Dhigay Putin

Wednesday - December 18, 2019


Labaatan sano ka hor, Vladimir Putin gacanta ayaa loo galiyay furaha aqalka madaxtooyada ee loo yaqaanno Kremlin .. Ninkan oo horay u ahaan jiray sarkaal ka tirsanaa ciidamada sir-doonka Midowgii Soviet ee KGB, waxaa gacanta soo qabtay madaxweynihii Ruushka ee lagu magacaabi jiray Boris Yeltsin, waxaana fikirkaas ku raacay golihiisii hoose ee ku hareereysnaa .. Ujeeddadoodu waxay ahayd inuu Putin Ruushka ku hoggaamiyo qarniga 21-aad.

Ninka la yiraah Valentin Yumashev wuxuu door muhiim ah ka qaatay in Vladimir Putin uu noqdo madaxweynaha Ruushka, wuxuuna ka mid ahaa ragga uu sida weyn ugu kalsoonaa madaxweyne Boris Yeltsin – wuxuuna xitaa guursaday gabar uu dhalay Mr Yeltsin, oo lagu magacaabo Tatyana.

Mr. Yumashev Maadaama uu ahaa madaxa shaqaalaha ee Mr Yeltsin, wuxuu sanadkii 1997-kii Putin shaqadii ugu horreysay ka siiyay xarunta madaxtooyada ee Kremlin.

Madaxweyne Yeltsin wuxuu niyadda ku hayay dhowr qof oo xilka madaxweynaha u qalmay, sida Boris Nemtsov, Sergei Stepashin iyo Nikolai Aksenenko .. Mr. Yumashev iyo Yeltsin wax badan ayey ka sheekeysteen qofka ay suurtagalka tahay in lagu wareejiyo xilka, waana la soo hadal qaaday Xitaa Putin.
“Yeltsin wuxuu Yumashev ku yiri: ‘Bal ka warran Putin?’ Waxay ila tahay inuu yahay nin si wanaagsan ugu qalma xilka, ayuu ugu jawaabay. Waxay ila tahay inaad tixgalisid. Way caddahay kartidiisa, waxaana looga jeedaa shaqada uu hadda hayo, taasina waxay muujineysaa inuu diyaar u yahay howlo intaas kasii adag”ayuu yiri mar Yumashev

Bishii August ee sanadkii 1999-kii, Boris Yeltsin wuxuu Vladimir Putin u magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha. Taasi waxay ahayd astaan cad oo muujineysay in madaxweyne Yeltsin uu Putin u diyaarinayay la wareegista qasriga madaxtooyada ee Kremlin.

Mr Yeltsin wuxuu qorshihiisu ahaa inuu sanad kale xafiiska sii joogo, laakii bishii December ee sanadkii 1999-kii ayuu qaatay go’aan lama filaan ah oo ahaa inuu xilka ka dago wakhti hore.

“Saddex maalmood ka hor sannadka cusub, Yeltsin wuxuu gurigiisa ugu yeeray Putin. wuxuuna codsaday inu mr. Yumashev goob joog ka ahaado, sidoo kalena wuxuu kulankaas kasoo qeyb galiyay madaxiisii golaha wasiirrada, Alexander Voloshin. Wuxuu u sheegay Putin inuusan meesha iska fadhin doonin ilaa bisha July, ee uu doonayo inuu is-casilo 31-ka December.

“Dad kooban oo kaliya ayaa ogaa arrintaas: oo kala ahaa mr. Yumashev, Voloshin, Putin iyo Yeltsin gabadhiisa Tatyana. Yeltsin xitaa sirtaas uma uusan sheegin xaaskiisa”.

Mr Yumashev oo ahaa ninki kaalinta ka qaatay magacaabida Putin waxaa loo xilsaaray inuu diyaariyo khudbaddii is-casilaadda ee uu jeedin lahaa madaxweyne Yeltsin. “Waxay ahayd khudbad ay adagtahay in la qoro. Way iska caddeyd in qoraalkaas uu taariikhda gali doono. Farriintu waxay ahayd muhiim. Taas ayeyna ahayd sababta aan u qoray sadarkii caanka ahaa ee ‘Iska key cafiya’. ayuu yiri Mr. Yumashev

Maalintii ka horreysay sanadka cusub, Boris Yeltsin wuxuu duubay khudbaddiisii ugu dambeysay ee telefishinka isagoo ku sugan qasriga Kremlin.

“Qof walba waxay la noqotay layaab, marka laga reebo Mr Yushev, maadaama u ahaa qofkii qoray khudbadda. Dadku way wada ilmeeyeen. Waxay ahayd xaalad dareenka kicisay.

Vladimir Putin wuxuu islamarkiiba noqday madaxweynaha ku simaha ah. Saddex bilood ka dibna, wuxuu ku guuleystay doorashada.

“Kama qoomameynayo”, ayuu yiri Mr Yumashev, wuxuuna intaas kusii daray: “Way caddahay in dadka Ruushka ay wali aaminsan yihiin Putin”.

Ilaa hadda, Mr Yumashev wuxuu qabaa fikirka ah in is-casilaaddii Boris Yeltsin ay cashar fiican u tahay madaxweyne-yaasha Ruushka, Cashar-kaasoo ah “inay muhiim tahay in xilka loo banneeyo dadka dhalinyarada ah .. Yeltsin arrintan waxay u ahayd mid aad muhiim u ah”.