Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waa Kaas Mashiinki Isku Dhalaalay .. Kaararki U Riixanaayey Farmaajo Dhamaantood Waa Gubteen .. Madashi Oo Oohin Yaxaas La Timid

Thursday - December 19, 2019




Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shaacisey inay ka baxeen wadahadalladii ay kula jireen Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay ku eedeeyeen inuu si cad u jebiyey qodobada heshiiskii ay wada gaareen.

Labada dhinac ayaa 20-kii bishii November u balansanaa iney mar kale kulmaan si dib loogu eego fulinta qodobadii horey loogu heshiiyey la iskuna raaco kuwa cusub. balse Madasha xisbiyada oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay inay garowsatay in danta Farmaajo ee wada-hadalladii hore ay ahayd kaliya hadaf siyaasadeed ee anay ahayn in xal la gaaro.

Madasha ayaa ku eedeeysay Madaxweyne Farmaajo inuu ka hor yimid bulshada inuu la wadaago qodobadii horey loogu heshiiyey, taasoo ay ku sifeeyeen iney ka dhigan tahay inuusan heshiiska wax xurmad ah u heynin.

Qodobadii heshiiska oo ay ka mid ahaayeen dhowrista xuquuqda hadalka iyo socodka muwaadinka ayey madashu sheegtay in dowladu ay jebisay iyagoo tusaale u soo qaatay in Xildhibaan Daleys Xasan Aadan loo diiday inay 25-kii November ka dhoofto garoonka Muqdisho.

Madasha oo taabatay Qodobka doorashooyinka ayaa waxay sheegtay in Farmaajo uu ku adkeysanayo hindise baal-marsan dastuurka dalka, wax ixtiraam ahna uusan u hayn dhinacyada kale ee ay khuseyso tallada dalka.

Qodobada lagu eedeynayo madaxweynaha ayaa waxaa kale oo ka mid ah inuu faro-gelin ku hayo doorashooyinka Galmudug uuna ka shaqeynayo in hogaanka loo doorto musharax horey loo calaamadeeyey.

Si wada-hadallada dib loogu faro Madashu waxay shuruud ka dhigtay inay qasab tahay in madaxweynaha uu shaaciyo qodobadii hore, lana fuliyo