Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Naf-yahay Silcaysa Xagee Baad U Socotaa .. Warkii Ugu Dambeeyey Ee Qaraxi Gaalkacyo-Baraxley

Saturday - December 21, 2019



Gaalkacyo-Baraxley: Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo caawa lala beegsaday Hotel lagu magacaabo Global, oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo dhinaca baraxley ee xarunta gobolka Mudug.

Hotelka la weeraray ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku sugnaayeen Taliyaha ciidanka Lugta ee xoogga dalka Cabdixamiid, Taliyaha qeybta 21-aad ee xoogga dalka Cabdicasiis Qooje iyo saraakiil kale oo dhawaan ka soo laabtay xalinta colaad beelo ka soo kala jeeday Galmudug iyo Puntland ku dhex martay bariga gobolka Mudug.

Wararka naga soo gaaray hotelka ayaa sheegaya inay jiraan khasaare soo gaaray qaar ka mid ah ciidanka iyo shacab ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay, balse Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogqa Dalka Soomaaliya Gashaanle Cabdifitaax Dabagaale ayaa sheegay in Taliyaha Iyo saraakiishii la socotay ay bad qabaan, hase ahaatee ay ciidamo iyo dad rayid ahi ku waxyeeloobeen qaraxa.