Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Jugta Yeertay Caliyow Waa Jawaanki Lacgta Ahaaye .. Diyaarad Itoobiyan Airline Oo Caawa Madaarka Hargeysa Soo Fariisan- Kari Weyday Light La'aan Awgeed

Saturday - December 21, 2019



Diyaarad ay leedahay shirkada itoobiyan airlines ayaa caawa dib ugu celisay rakaabkii magaaladii ay kasoo qaaday .. Diyaarada oo la doonayey inay Madaarka Cago-dhigato salaadii Cishaa'i ayaa Duuliyuhu ku wargeliyey in dhabaha diyaaradu bilaa layr-yahay isla-markaana badbaadada rakaabka darteed ay dib ugu laabanayaan magaalada Addis Ababa.

Diyaaradu waxay isla caawa dib ugu celisay rakaabkii magaaladii ay kasoo qaaday .. waxaa la yiri Madaarka maanta Nal la'aanta ah waxaa ku baxday lacag dhan 4.3 million USD, xiliyada roobabkana wuxuu dhabaha diyaaraduhu noqdaa (Haradii Danood) oo kale.

Sida  la sheegay Maaha markii u horeysay ee Diyaaraduhu kala kulmaan dhibaato, dhinaca soo dejinta iyo dhanka Gudcurka madaarkaba .. Dhinaca kale Madaarka Hargeysa ayaa intii uu Muuse Biixi Yimid Shaqaalihii ka shqeyn jirey u yaaceen ama shaqo ka doonteen dhankaa Dowlad Goboleedka Puntland., qaar ka mid ahna tageen Mogdisho