Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Talo Xumo Iyo Maamul Xumo Aan Ka Soo Rayn Lahayen Maxaa Ka Dambeya .. Macshar Jin Wal-Ins Oo Poll Cod Bixin 90% Ku Saxay: Farmaajo Naf Ma Leh

Monday - December 23, 2019




Mahad ilaah baa leh .. Diyaarad Riin Ka Xumaaday ileyn soo degimeyse samadey ku rafata .. Dilaal saylada ku raagay xarigu ku rafta .. Maanta dawladi Farmaajo xaalkeedu waa iska ceynkaas oo waa sidi Haad geed waayey oo dhulka iyo cirka dhexdooda ayey walhaneysa .. waxaan filaya in si wacan looga dharagsan-yahay halka dalki maraayo .. waaba haddi dalkaan iyo dadkiisa naf lagu soo gaaro.

Madaxda aduunka qaar iyaga wax xoq-xoqda, kuwana dalka iyo dadka bey wax u xoqaan oo talo heer qaran u sameeyaan .. Mudane Maxamed Farmaajo inksto dacaayad la hagaajiyey uu saaxda siyaasada iyo waa halyey ku soo galay, haddana wax ma wanaajin .. wixii dhisnaana wax kuma darin .. had iyo jeer waxaan la isku ogeyna sida heshisyada caalamka si hoos-hoosa ayuu u saxiixa .. intaa wax buu daba gambinaya oo talada wuxuu ka qaata kuwa qalbiga naafo ka ah aan waxba ogeyn .. wixii soo marana ma xaliyo, balse waxaa u ku haftay hawlihi loo igmaday, isla markaana Afkiisa iyo ficilkiisa wuxuu noqday mid aan is lahayen, haddana maanta talo u ku dhaqaaqo oo miiska u saaran ma jirto, balse sida muuqata jid-kasta waa ka soo xirmay, waxaana loo aqoonsaday Waxar qol ku xiran oo cidla ka naaleyneysa. 

Xubnaha xildhibaanada Baarlamaanka intooda badan oo quursada hogaaminta farmaajo waxay ku tilmaamaan inu yahay macangag aan talo lahayen, weligiis maskaxdiisa darajada garashada "IQ" hindise cusub kama raadsho .. wixii horay loo bareyna ma kobciyo mana badalo .. waxaana caado u ah ayey yiraahdaan xaalad kasta oo jirta gaar ahaan haddi dawladu sidi Riyaha geesaha isla galaan, halku wax ka xalin-lahaa waa khasab inu xaska dabada galiyo amase buste isku dado.

Wasiirki Hitller U Qaabilsanaa Propagandada ee la oran jiray Joseph Goebbeles ayaa Dacaayadaha beenta ah ee uu xisbiga Naziga U sameyo ayuu haddana isagu dib u rumeysan-jiray .. Hadaba Maxamed Farmaajo oo sidaas oo kale dib u rumeystay dacaayadi ummada lagu mala-haboowshay ee la yiri: waa hal-doorki qiimaha iyo qaayaha lahaa .. waa geesigi lagu gardarooday .. oo waa xil-qaad iyo xilkasnimo la yaab leh ilaahay ku maneystay .. waa nimaan la dirinee isagu is dira .. waa xidig cirka lagu arkay .. oo isagoo khushuuc la ilmeynaya ayuu salaada oogaa .. waa shaacir caan baxay .. waa Mahdi soo daahiray, 

Dabadee isagoo Riwaayadaas dacaayada ah darteed qoorta surtay, buu markaan ku qururuf-leynaya iyo si hoos- hoosa warkiisi u dhaafi-waayey;  La isu joojin maayo wax sharici la yiraahdo oo shacabkaa i jecel oo i dooranaaya oo micnuhu yahay "la jiifi-yaana banaan la jooi-yana banaan baa laygu dooranaya" si kale haddi warka la sii jilciyo macnaha: Ummada la ogoleysiiyo in sidi xoolaha inba sidi Cabiida Afrika loo qaadi jiray " Slave Trade" gobolada laga keeno dabadeed meel lagu oodo halkaas doolar loo lulo lagu iibsado, kadib ninki miisaan lahayen amase xag dhaqaale ka liita tartanka madax-tinimo ha ka haro, laakiin illa hadda cid warkaas ka dhageysata waa la la'yahay aan ka ahayen Raiisal Wasaare ku xigeenka Mahad Guuleed 

Bulshada qurbaha oo wareysi lagula dhex wareegay waxay leeyihiin" Maxamed Farmaajo ma isagoo dalka iyo dadka irbad dun u galin, oo midba kuu ka liitay, balse qaarkood kabaha dhalaalin jiray loo tiriyey xafiisyadi Qaranka aan diqsi lagu aamini-karin oo geeri iyo mag la'aan nagu dhaxlay, buu markale raba boob inu kursiga madax-tinimada ku kufsado .. Beenloow lagu baray ee ka bul dheh ayey dadku leeyihiin 

Sido kale Bulshada Somali ee ku nool gudaha oo meelo badan aan kala xiriirnay waxay ku hadaaqayaan: Farmaajo sidu noogu yimi meel inoo fiyow ma jirto oo meeshi baaba'aysa isagoo kale baa loo soo dira .. Macshar Jin Wal-Ins soo wada taagan Markhaati Ku Ah Farmaajo waxay leeyihiin: Maxamed Farmaajo Naf Ma Leh oo hawshiisi waxay dhaafi-weyday: Nimad Qali Qamuunyo ka dhawr oo foolasha u Qaawi .

Nin indho la'aan ku dhashay, baa wuxu maqlaa in badan, Sakaaro baa la soo dabay galabtana, oo hilib-keeddii baa la inoo karinayaa, dabeed wuxu yiri: Sakaaro way i waashaye, mana aan arage, ee bal i taabsiiya inta ay wuxu le'eg tahay, waxa hilibkan leh inta aan la qalin. Markii la taab-siiyey ee uu gacanta ku wareejiyey madax ilaa dabo, baa waxa uu yiri, wax-ba inooma harin, ma xayawaankii ka waa-weynaa oo dhan baynu dhamaynay, berina duqsiga bay cuni doonaa.
                              Tifaftiraha Wargeyska Galdogob Times
                                    M. Alihashi
                              [email protected]