Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Xiisad Ka Taagan Badweynta Hindiya .. Xulafadi China, iiraan Iyo Ruush Oo Dagaal Milatari Ka Qorsheynaya Xeebaha Somaliya Iyo Cumaan Iyo Mareykan Oo Dhinaciisa Ka Guntaday

Wednesday - December 25, 2019


Dagaallada iyo xiisadaha ka taagan meelo badan oo aduunka ayaa horseedaya in quwado waawayn ay faraha la soo galaan dawladaha ku teedsan badweynta hindiya siiba somaliya ..Warbaahinta dunida ayaa baryahan hadal haysa xiisadda soo kala dhexgashay dalalka Maraykanka, Ruushka, China, iyo iiraan.

Dalalka gorodda iskula jira ayaa waxay yihiin Ruushka, China iyo Maraykanka oo taageera ka helaya dalal kale oo reer galbeed ah .. Jeneraalada Mareykanka oo ka hadlay awooda iyo geemka socda, ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in tallaabo ay ku dhaqaaqi doonaan oo looga jawaabayo faragalinta iyo xulufeysiga Ruushka, China iyo iiraan dhoolatuska milatari ee maallinta jimcaha ay ka wadaan badweynta Hindiya gaar ahaan xeebaha Cumaan iyo Somaliya, halka Xukuumadda China iyo Ruushka ay uga digtay Maraykanka iney taagtooda talaabsadaan, haddi kale ay tallaabo millitari qaadi-doonaan, balse ay soo ridi doonaan gantaaladooda, islamarkaasna ay duqeyn doonaan halkii laga soo riday.

Khuburrada caalamiga ah ee arrimmaha dublumaasiyadda ayaa ku kala aragti duwan in dagaal saddexaad uu jiri karo. Qaarkood ayaa waxay leeyihiin in suurtogal tahay inuu dunida ka aloosmo dagaal saddexaad oo waxaa la joogaa hadda xilli ay jiraan quwaddo aad u waawayn oo hardamaya dhexdooda, sidaasi waxaa yiri Shashank Joshi oo ah khabiir Koonfurta Aasiya iyo Bariga Dhexe.






.