Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waxaa Bilawday Sanad Cusub Ee Milaadiga Oo Tirsigiisu Yahay 2020 .. ILaahow Noga Dhig Sanad Hiloow Iyo Midnimo Lagu Heshiiyaa .. Alahayow Islaam-nimada Xoogee

Monday - December 30, 2019




Dhamaan caalamka ayaa waxa ka socda dabaal-degyo lagu waynaynayo sanadka cusub ee Miilaadiga, iyadoo waddan waliba dhaqankiisa ku saleeyey xuska .. waxaa u bilawday sanad cusub, oo Tirsigiisu noqonayo sanadka 2020 .. Tirsiga Taariikhda Miilaadiga waxaa laga soo bilaabaa markii waa sida ay sheegaane waqtigi Nabi Ciise u dhashay amase ka dambeysay, taaso ah war mala-awaale oo ay ku nabayaan nabi ciise CSW .. taariikhda milaadiga waa Shamsi, halka islaamka ay tahay Qamari

Wadamada Islaamka ayaa siyaabo kala duwan looga xusayaa curashada sanadkan Milaadiga, halka wadamada diimaaha kale ku dhaqmaa u dabaal-degaan ciid bilowga sanadka miilaadiga. 

Dhinaca kale Taariikhda Hijriyada waxaa laga bilaabay Hijradi Nabi Maxamed (NNKH) oo u ku Hijrooday Makka una Hijrooday magaalada Madiina oo ahayed 22 Rabical Al- Awal oo waafaqsaneyd 24 September 622- milaadiga .. Saxaabadi Nabigu RC, waxay isku raaceen in Taariikhda laga bilaabo maalinti Hijrada .. Taariikhda Hijrada waxaa qoray Saxaabigi Cumar Bin Khidaab.

Taariikhda Hijriyada Islaamka waa bisha Allaah SW Cirka ka soo saaro ee aan tirsano kuna Soono Kuna Xajino Zakadana ku dhiibno waxa uu Sanadka Hijriga ka kooban yahay Labo iyo Toban Bilood oo kala ah:

1-Muxaram .. 2-Safar .. 3-Rabiicul Awal .. 4-Rabiicu Thaanii .. 5-Jamaadul Awal .. 6-Jamaadul Aakhar .. 7-Rajab .. 8-Shacbaan .. 9-Ramadaan .. 10-Shawaal .. 11-Dul-qacdah .. 12-Dul-xijah.

Labo iyo Tobankan Bilood Sida uu Allaah SW noogu cadeeyay Aayada(36)aad ee Suuratu Towbah waxaa ku jirta Afar Bilood oo Xurmeysan kuwaasi oo Kala ah Muxaram, Rajab, Dulqacdah iyo Dul xijah .. 

Bahda Goldogob Times, waxay umaddaha caalamka ugu hambalyeynayaa curashada Sanadka cusub ee Miilaadiga, si gaar waxaan hambalyo ugu diraynaa Akhristeyaasha iyo bulshada Soomaaliyeed oo aanu leenahay sanadka kiisa ku gaara bash bash iyo badhaadhe inshalah. .. Aamin aamin aamin