Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

UN-ka Oo Cuna-qabateyn Saareysa Waqooyiga Kuuriya Iyo Hogaamiyaha Kuriya Oo Yiri: War Ma Aha Adinku Ha Sameysanina, Anaga Kaliyaa U Fasaxan

Monday - Feb 8, 2016



Golaha amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa si wada jir ah waxa ay u cambaareeyeen dowladda Waqooyiga Kuuriya oo tijaabisay gantaaladada riddada dheer.
 
War qoraal ah oo ay soo saareen kaddib kullan degdeg ah oo ka dhacay New York, golaha waxa uu sheegay in cunna qabateyn si dhaqso ah u dhaqan galeyso la saarayo dalka Waqooyiga Kuuriya.
 
Waxaa xukuumadda Pyongyang lagu eedeeyay inay wado halis iyo qalalaaso aad u xun. Bishii January oo keli ah afar gantaal oo nuclear ah ayey tijaabisay.
 
Dowladda Pyongyang waxa ay sheegtay in tijabada gantaallada ay qeyb ka tahay barnaamijkeeda hawada, isla markaana dawladaha waaweyn ku eedeysay in awooda gantaalada ay kaligood u afduubnaato oo wixii kalo oo farsameysta ay xagooda xaaraan ka tahay..