Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Iiraan Waa Niman Ku Xil-furay Iney Aarsanayaan .. Afar Talaabo Oo Iiraan Ay Qaadi-karto Si Ay Uga Aargudato Dilki Qaasim Soleimabi

Sunday - January 5, 2020




IRAN waxaa laga yaabaa inay ka fiirsato dhowr tallaabo oo adag oo ay uga aargoosaneyso Mareykanka ka dib markii Donald Trump uu ciidamada militariga Mareykanka amar ku siiyay in la dilo General Qasem Soleimani, oo Khamiista dilkiisa loo adeegsaday gantaallo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku rideen baabuur uu la socday oo marayey garoonka diyaaradaha magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq

Safiirkii hore ee Boqortooyada Ingiriiska ee dalka Lebanon Tom Tom Fletcher ayaa sheegay in Jeneral Qasem Soleimani uu ahaa “nin shakhsi ahaan aad uga awood badan Osama bin Laden ama Abu Bakr Baghdadi maadaama awoodooda hoos u dhacday markii la dilayey “.

Isagoo la hadlayey barnaamijka Idaacadda 4-ta  ee Raadiyaha maanta ee BBC wuxuu sheegay in Iiraan ay hadda heysato ugu yaraan afar qaab oo kala duwan oo ay uga aargudato Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Mar wax laga waydiiyey sida Iiraan uga aargudan karto Mareykanaka ayuu Mr Fletcher yiri “Jawaabta istiraatiijiyadeed oo ay Iiraan bixin karto waa inay sii xoojiso mowqifkeeda Ciraaq waa haddii ay diyaar u tahay inay bixiso jawaab caqliyeysan”.

Mr Fletcher ayaa sheegay inay sidoo kale Iiraan u furan tahay inay qaado illaa 4 tallaabo oo ay ka dhallan karto halis aad weyn,  wuxuuna ku kala sheegay:

1) – Inay Iiraan sheegto inuu dilkaan ahaa mid ay ka shaqeeyeen sirdoonka dalkeeda iyo kooxo kale oo Iiraaniyiin ah, kuwaas oo soo agaasimay dilka Qasem Soleimani, sidaasna ay kiiskaan uga harto, ayada oo taas ku muujineysa in Mareykanka uusan lahayn awood uu kaligiis ku beegsado sarkaal sare oo Iranian ah.

2) – Inay qaado Dagaalo ay u adeegsato kooxaha la rumeysan yahay inay iyada taageerto ee kala ah Xisbullaahi oo ka dagaalanto Lubnaan, Kooxaha Ahlu Xaq ee Siiriya, Xuutiyiinta Yeman iyo kacdoonka Shacabka Reer Ciraaq, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada iyo Xarumaha Dowladda Mareykanka.

3) – Inay weerar ku qaado Saldhigyada Mareykanka ay ku leeyihiin Bariga Dhexe, taasoo keeni karto inuu qarxo dagaal weyn oo u dhaxeeyo Mareykanka iyo Xulafadiisa oo dhinac ah iyo Iiraan iyo Dowladaha taageersan taasoo noqon doonto halis soo wajahday adduunyada.

4) – Inay weeraro aan kala go’ laheyn qaado, sida kuwii ay ku qaaday xarumaha saliida ee Sacuudiga kuwaas oo ay ka gaartay guul weyn oo ah inay iska yareysay culeyskii ka saarnaa Dowladaha Carabta oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Qasem Soleimani ayaa ahaa 62 jir hogaaminhyayay ciidamada Qudus waxaana loo arkayay inuu ahaa qofka labaad ee ugu awoodda badan dalkaasi Iran marka laga oo tago hogaamiyaha maxkamadda ugu sareyso dalkaasi Ayatollah Khamenei.

Gudaha dalka Iran waxaa uu ka ahaa geesi qaran balse Mareykanka ayaa Janaraal Suleeymaan iyo ciidamadiisa Qudus waxay u yaqaaneen argagixiso.