Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Ma Maqasheen Waxa Netayahu Afkiisa Ka Soo Baxay .. Yaan La Isku Saqajaamin Waxaan Ahay Shar Iyo Kheyr Sidi Loo Adeegsado Oo Waxaan Haysata Hub Nukliyeer Wax Burburiya

Monday - January 6, 2020



Sirtii muddo caalamka laga qarinayey ee ahayd in Israel ay haysatio hub Nukliyeer ah, ayaa si lama filaan ah uga soo baxsatay ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

Netanyahu oo ka hadlayey Tel Aviv ayaa sheegay in Israel ay tahay quwad Nukliyeer, ka hora inta uusan isku nixin, isaga oo ceeb dareemayana si kale u dhigan sheekadaas.

Waxaa aad loo rumeysan yahay in Israel ay tahay quwad Nukliyeer, hase yeeshee marnaba ma aysan xaqiijin ama beenin, ayada oo sanado badan adeegsaneysay siyaasad ah inaysan ka hadlin arrintaas.

Hase yeeshee, Netanyahu oo ka qeyb-galay kulankii golaha wasiirada ee toddobaadka, ayaa isaga oo luuqadda Hebrew-ga ku aqrinaya heshiis gaas oo dhex maray Israel iyo Qubrus, ayaa si lama filaan ah u kashifay sirtii Yahuudda iyo Reer Galbeedka ay muddo qarinayeen.

“Muhiimadda mashruucan waa inaan Israel u rogeyno quwad Nukliyeer” ayuu yiri Netanyahu, hase yeeshee kadib deg deg isku qabtay isagoo u beddelay “Waxaan ka wadaa quwad tamar”.

Netanyahu ayaa kadib xoogaa aamusay, kadibna sheegay inuu qalad sameeyey, wuxuuna guda galay inuu sii faah-faahiyo heshiiska Israel iyo Qubrus.

Qirashada gefka ku dhacday ee Netanyahu ayaa durba qabsatay baraha bulshada, oo aad looga hadal hayaa.
Haysashada Nukliyeerka ee Israel ayaa aad loo rumeysnaa sanado badan, hase yeeshee sababo la xiriira taageerada Mareykanka iyo cabsida Yurubta ee Mareykanka, marna ma jirto cid ku dhiiratay inay dalbato baaritaan lagu sameeyo.