Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waa Yoomal-Qiyaamihi Oo Soo Deg Degay Haddi Waxa La Sheegaayo Run Yihiin .. Iiraan Oo Awood U Yeelatay Iney Jabsato Barta Internetka Ee Mareykanka

Tuesday - January 7, 2020



Koox ka soo jeeda dalka Iiraan ayaa qiratay in ay jabsadeen website-ka dowladda Maraykanka ayna ku baahiyeen fariin .. Muuqaalka madaxweyne Trump oo dhiig ka muuqa ayey ku shaaciyeen barta internet-ka ee dowladda Maraykanka.

Fariin la socotay ayaa lagu sheegay in kooxdan ay ka fal-celinayaan dilkii loo gaystay Jeneraal Qaasin Sulaymaani .. Weli lama shaacinin cadaymo rasmi ah oo sheegaya in falkan ay Iiraan ka dambaysay.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twiter-ka ku qoray "in haddii Iran ay weerarto saldhigyada Mareykanka ama muwaadin Mareykan ah uu dalkiisa uga jawaabi doona hubka casriga ah ee uu heysto!" Waxaan Iran kula talinayaa ayuu yiri in aysan ina weerarin, haddii ay ina weeraraan, annaguna waan weerareynaa

Haseyeeshee arrintaas waxaa ka jawaabay Dehghan oo sheegay in Mareykanka uu billaabay dagaalka, dhameystirkana ay leedahay Iran .. Dehgahn waxaa kale oo uu ka jawaabay hanjabaad kasoo yeertay madaxweyne Trump oo ahayd in Mareykanka uu bartilmaameedsan doonaa 52 xarumo dhaqameed, haddii ay Iran qaado tallaaba aargoosi ah.