Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Wakaa Mareykan Cidla Ku Go'doonsan Oo Gudintu Afeeyey Lagu Garaacayo .. Raiisal Wasaraha Iraq Oo Maanta Qaaday Talaabadi Ugu Horeysay Ee Ciidamada Mareykanka Lagu Eryaayo

Friday - January 10, 2020



Baghdad -Ra’iisul wasaaraha Iraq Adel Abdul Mahdi ayaa maanta sheegay inuu xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo weydiistay inuu wafdi u soo diro Iraq, si ay u diyaariyaan ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee dalkiisa.

Wada-hadallo uu Abdul Mahdi taleefonka kula sheergareyey Pompeo, ayuu ku sheegay in dalkiisa uu ka soo horjeedo labada xadgudub ee lagu sameeyey madax-banaanidiisa – Isaga oo ula jeeda weerarkii Mareykanka iyo gantaalladii ay ku aargudatay Iran.

Sharci dejiyayaasha Iraq ayaa Axaddii meel-mariyey qaraar ciidamada Mareykanka looga saarayo dalka, kadib markii diyaarad drone oo Mareykan ah ay dishay Jeneral sare oo reer Iran ah, Qasem Soleimani.

“Iraq waxay dooneysaa inay ilaaliso xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay dalalka deriska la ah iyo beesha caalamka,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Qaraarka baarlamanka Iraq ee lagu eryayo ciidamada Mareykanka ayaan ahayn mid ay qasab tahay in la fuliyo, hase yeeshee Abdul Mahdi oo ah ninka leh amarka lagu saarayo ciidamada Mareykanka ayaa aad u taageersan qorshahaas, sababtoo ah isaga ayaa wax ka diyaariyey qaraarka.

Abdul Mahdi ayaa bayaanka uu soo saaray ku sheegay in ciidamada Mareykanka iyo diyaaraddii drone-ka ee lagu dilay Soleimani ay dalka soo galeen ayaga oo aan ogolaansho ka haysan dowladda Iraq.

Abdul Mahdi oo shiico ah ayaa aad ugu dhow dowladda Iran iyo kooxaha hubeysan ee shiicada ah ee ka jira dalka Iraq.