Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Musllimiinti Wada Gama'sana Wey Gurxamayaan .. Maxaad Ka Ogtahay Awooda Milatari Ee Turkiga

Saturday - January 18, 2020



Saameynta milateri ee dalka Turkiga ayaa sanadihii dambe aad loo dareemay, waxaan ugu dambeeyay ciidamada Turkiga uu u diray dalka Libya iyo kuwii kasii horeeyay ee hawlgalka ku fuliyay waqooyiga dalka Suuriya.
Turkiga oo sidoo kale kamid ah ciidanka Gaashaanbuurta NATO, saldhig aad u ballaaranna ku leh magaalada Muqdisho ee Soomaaliya ayaa wargeyska the Global Fire power oo ah mid wax ka qora arrimaha milateriga caalamka waxaa uu ku qiimeeyay in uu yahay ciidanka ugu awoodda badan bariga dhexe.

Ciidanka Turkiga ayaa kaalinta sagaalaad ka galay qiimeyn lagu sameeyay awoodda milateri ee dalalka caalamka oo gaaraya 137 wadan, waxaana sandkiiba la sheegay in ciidanka Turkiga ay ku baxdo lacag dhan 8 bilyan oo doolar.

Dowladda Turkiga ayaa sanadihii dambe xoogga saartay maalgelinta ciidanka, kadib afgembigii dhicisoobay ee sanadkii 2016-ka, waxaana xukuumadda Ankara ay xiriir milateri la yeelatay dalal ay kamid yihiin Ruushka, Qatar iyo Soomaaliya oo ay ku leedahay saldhigga ugu weyn ee ku yaala meel ka baxsan Turkiga.

Dalka Turkiga ayaa sida uu qoray GFP waxaa uu ka awood badan yahay dalal ay kamid yihiin Jarmalka, Talyaaniga, Masar, Iran, Israel, Pakistan, Australia, Canada iyo Sacuudiga, waxaana uu awood ahaan ku xigaa dalka Ingiriiska.

Awoodda ciidanka cirka ee Turkiga
Dalka Turkiga oo ay ku nool yihiin dad gaaraya sideetan milyan oo qof ayaa dadka shaqeeya waxaa lagu qiyaasay ku dhawaad 42 milyan oo qof, waxaana ciidanka dalka Turkiga guud ahaan tiradooda uu wargeyska ku sheegay 735 kun oo askari.

Ciidanka sida tooska ah u dagaal geli kara ee Turkiga ayaa jariiradda The Global fire power waxay ku qiyaastay 355 kun oo askari, halka ciidamada heegankana ama keydka ku jira ay gaarayaan 380 kun oo aksari.

Turkiga ayuu GFP sheegay in ay kamid yihiin tobanka dowladood ee ugu awoodda badan caalamka, waxaana diyaaradaha ciidanka cirka ee Turkiga lagu sheegay 1,067 diyaaradood, kuwaas oo isugu jira noocyo kala duwan.

Diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Turkiga ayaa tiradoodu waxay gaareysaa 207, halka kuwa wax duqeeya ay iyaguna gaarayaan 207.

Diyaaradaha xamuulka ee Turkiga
Diyaaradaha xamuulka ee milateriga Turkiga ayaa gaaraya 87 diyaaradood, halka kuwa lagu tababaro ciidamada cirkana ay gaarayaan 289 diyaaradood.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helikobtarka ee milateriga Turkiga ayaa tiradoodu dhan tahay 792, waxaana 94 kamid ay yihiin kuwa wax duqeeya ee weerarada loo adeegsado.

Sidoo kale Turkiga ayaa dhawaan dalka Ruushka kasoo iibsaday gantaalada difaaca cirka ee loo yaqaano S-400, kuwaas oo uu farsameeyay Ruushka, si casri ahna loo farsameeyay.

Awoodda ciidanka dhulka ee Turkiga
Gantaalada s-400
Ciidanka dhulka ee milateriga Turkiga ayaa kaalinta toddobaad waxaa ay ka galeen ciidamada ugu awoodda badan ee caalamka.

Taangiyada dagaalka ee Turkiga ayaa gaaraya 3,200, halka baabuurta gaashaaman ee dagaalkana ay gaarayaan 9,500 oo baabuur.

Ciidanka badda ee Turkiga
Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan ayaa toddobadyo kahor daaha ka rogay gujiskii ugu horeeyay ee lagu farsameeyo gudaha wadankaas, waxaana uu sheegay in kuwa kale oo badanna ay ka shaqeynayaan sameyntooda.

Ciidanka badda ee Turkiga ayaa leh 34 marakiib oo lagu ilaaliyo xeebaha dalkaas, 12 gujis, 16 maraakiibta dagaalka iyo 11 maraakiibta kahortagga miinooyinka lagu aaso badda hoosteeda.

Ciidanka badda ee Turkiga ayaa sidoo kale leh markab loogu magac daray Peninsula of Anatolia, kaas oo ah markab xambaara diyaaradaha dagaalka.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in marka la gaaro sanadka 2022 ay si toos ah u hawlgelin doonaan gujiska lagu farsameeyay gudaha Turkiga .. Gujiska ayaa awood u yeelan doona in uu hawgallo ka fuliyo meelo fogfog.

.
Wargeyska Global Fire Power ayaa sidoo kale soo bandhigay 10-ka da ee milateri ahaan caalamka ugu awoodda badan, waxayna kala yihiin:

1. Mareykanka

2. Ruushka

3. Shiinaha

4. Hindiya

5. Faransiiska

6. Japan

7. Kuuriyada Koonfureed

8. Britain

9. Turkiga

10. Jarmalka