Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Akhbaarti Zamanki Hore .. Balqiisa Boqoradi Reer Saba' Ee Ka Badbaadisay Nafteeda Iyo Qoomkeeda Burburki Aduun Iyo Balaayo Aakhiro

Friday - January 24, 2020



Balqiis waxay ahayd boqorod nooleeyd waqtigii nebi Suleymaan CS kana talinaysay qaybo ka mid ah dhulka haatan loo yaqaan Yaman oo ay ku noolaayeen qabiilooyin Ximyar la oran jiray.

Boqortooyadii Saba’ ee ay balqiisa ka talinaysay waqtigaa waxaa la sheegaa inay gaartay horomar lagu tilaabsado kii ugu haboonaa waqtigaas oo dadkeedu waxa ay gaareen ladnaan iyo barwaaqo tii ugu saraysay waqtigaas .. Quraanku ma sheegin magaca BALQIISA, laakiin waxay ku xusan tahay kutubta taariikhda intooda badan .

Nebi Suleymaan CS oo waqtigaas ay Balqiisa ka ariminaysay dhulka Yaman isagu ka talinayay dhul ballaaran oo Beytul Maqdas iyo Shaam iyo inta ku xeeran ah ma uusan ogayn jiritaanka boqoradan ka arimisa meel maamulkiisa ka baxsan tan iyo intii uu arinkaas ka ogaaday Shimbir la oran jiray Hud-Hud oo ka mid ahaa Shimbiraha u shaqeeya.

Nabi Salemaan Maalin uu u dhaba galay arimaha shimbiraha ayuu ka dhex waayay Hud-Hud markaasuu yiri “oo sidee wax ujiraan Hud-Hud iima muuqdee,wallee wuu eedi amar la’aanta uu iska tagay hadaanu wax micno leh oo uu ku maqnaa ii keenin”.

Hud hud waa soo laabtay isaga oo warbixin basaasnimo ka sida boqortooyadii Balqiisa oo uusan nebi Suleymaan CS kaba war heyn.

Hud-Hud wuxuu nebi Suleymaan u sheegay inuu soo arkay naag boqorod ah oo wax kasta haysata oo xitaa leh sariir weyn oo ay ku seexato oo uu aad ula soo yaabay boqortooyada ay iyada iyo dadkeedu ku raaxaysanayaan.

Nebi Suleymaan CS si uu u hubiyo warka Hud-Hud keenay wuxuu u dhiibay warqad oo ku yiri u gee oo ka dibna ka soo laabo bal aan aragno waxa ay ku soo jawaabte.

Hud-Hud warqadii markii uu u tuuray Balqiisa oo ay akhrisay ayay soo shirisay madaxda dadkii ay u  talinaysay oo waxay u sheegtay in ay heshay warqad si qurux badan loo soo xardhay oo ka socota Boqor Suleymaan la dhaho oo awood fara badan leh warqadaasoo uu kagana codsanayo in ay ay u yimaadaan oo ay ku soo biiraan boqortooyadiisa.

Balqiisa waxay ahayd haweeneey caadilad ah oo dagan oo aan dagdagin una talo badsata arimaha muhiimka ah sida kuwan oo kale mana ayan ahayd boqorod kaligeed taliso ah oo talada maroorsata oo kalegeed qaadata qaraarada muhiimka ah.

Waxayna dadkeeda ka cod satay bal in ay kala taliyaan arintan waxa ay ka yeelayso. Markiiba dadkeedii oo ku kalsoon ilbaxnimada iyo awoodda ay haystaan waxay isku raaceen in ay u sheegaan in ay yihiin quwad xoog badan oo aan la handadi karin isla markaana ay diyaar u yihiin in ay is difaacaan kaliya ay iyada amarka dagaal galinta ka sugayaan.

Balqiisa oo ahayd boqorod fiiro dheer markiiba kuma ayan dag dagin dagaal galinta qoomkeeda oo waxaa umuuqday in wuxu yahay dagaal aan laysku halayn karin guusha.

Waxay kaloo ka shakisneyd awoodda nabi Suleymaan oo ay markiiba milicsatay inuu yahay mid Tiknoolajiyada kaga sareeya maadaama uu yahay mid ay u shaqaynayaan shimbiro uu ka mid yahay midkan meesha fog waraaqda oga keenay.

Waxayna tolkeed ku tiri sideedaba maaha inaan dagaal ku deg degno waayo haddii nalaga guulaysto oo ay dhacdo in ay ciidamada naga soo horjeeda na qabsadaan way ina adoonsanayaan oo dadkeena ilbaxnimada iyo sharafta leh waxay inaga dhigayaan gun la gumaysto .. Ee bal inta ayan arintu heerkaas gaarin waxaan u dirayaa hadiyado aan kaga kasbanayno wanaag iyo nabad.

Nebi suleymaan CS oo doonayay badbaadinta boqortooyadan ilbaxa ah laakiin ka lunsan xaga hanuunka eebbe iyo inuu ku ballaariyo awoodiisa dhulka ay xukumaan waa uu ka diiday inuu ka yeelo arinka ay Balqiisa usoo bandhigtay wuxuuna ergadii ku yiri u sheega madaxdiina inaanan dan ka lahayn hadiyadiina oo aan idinka hormar-sanahay oo waxa uu eebe na siiyay ay ka sareeyaan intan yar ee aad ku faraxsan tihiin.

Balqiisa oo ahayd haweeney indheer garad ah waxa ay markiiba ku qanacday in ciidanka awoodaas leh ee ay xitaa soo arkeen ergadii ay dirsatay aysan awoodin in ay iska caabiso sidaa darteed waxay door biday in ay fuliso amarka Suleymaan oo ay aaddo iyada iyo wafdi ay hogaaminayso.

Waxayna kursigeeda iyo mulkigeeda oo dhamaada ka door biday badbaadinta dadkeeda iyo in aysan sawab ugu noqon galinta dagaal ay ku riiqmaan oo salfada naftooda iyo maalkooda.

Nebi Suleymaan CS wuxuu u diyaarshay boqoradda soo socota dhoolo tus iyo inuu u muujiyo in uu ilbaxnimadooda si kasta oga sareeyo oo haddii ay raacaan ay qayb ka noqon doonaan barwaaqadan iyo baraaraha ballaaran ee ay dadkiisu haystaan.

Waxaa la sheegaa in wadada ay ku imanayso iyo meelaha ay soo marayso marka ay soo gasho xayn daabka xuduuda uu xukumo inuu ugu diyaarshay jowharado iyo farshaxan ka kooban waxyaabo ay ku indho daraandarto oo ku dhiiri galiya in ay ku soo biirto boqortooyadiisa si kasta oga saraysa teeda.

Wuxuu kaloo sameeyay arin uu kaga yaabsaday oo ah in uu diray tiknoolajiyo rabi ugu deeqay oo u keenta sariirteeda inta aysan soo gaarin halka uu nebi Sulaymaan cs ku sugayo iyada.

Kolkii ay usoo dhoweyd ee ay cagta soo saartay rooggii loo fidiyay ee soo dhoweynta ayuu nebi sulaymaan ka codsaday dadkii ag taagnaa in ay inkiraan oo aysan oga waramin arimaha sariirteedan laga soo hor mariyay.

Markay soo gaartay madashii marti soorka ayaa lagu yiri “tani sariirtaadii sow uma eka” waxay tiri “waaba iyada lafteedii malaha laakiin hore ayaanba u helnay yaqiin intii aan soo soconay oo hadda waxaanba nahay kuwo hogaansan”

Balqiisa waxay ahayd qof caqli badan laakiin waxaa ka hor joogay inay ilaahay kaliya caabuddo qoomka ay ku dhex jirtay oo ahaa gaalo dhaqan soo jireen ah u leh in ay qorraxda caabudaan.

Markiiba balqiisa waxaa loo gudbiyay qasriga madaxtootadii nebi sulaymaan cs oo ahaa mid ku dul yiilay biyo dushooda oo ka samaysnaa muraayado aad loo qurxiyay.

Kolkay galaysay ayay xaydatay maryaha oo ay banaysay labadeeda kub iyada oo moodaysa in ay jiraan biyo ah ku dhex jirto.
Markiiba nebi sulaymaan ayaa ku yiri waa sarxi lagu xardhay muraayado ee biyuhu hoosta ayay marayaan.

Balqiisa oo la ashqaraartay sancadan mucjisada ah ee in ay aragto daayoo aan waligeed hore ugu fikirin ayaa qirtay in waxanu yihiin farsamo haysata awood sare oo ayidaysa ee aysan ahayn wax uu gaar uyeelan karo aadane iyada la mid ah, waxayna markiiba rumaysay nebi sulaymaan oo waxay qirtay inay allaha caalamka leh u hogaansantay.

Sidaas ayay Balqiisa nafteedii iyo tan qoomkeedii uga badbaadisay bur bur adduun iyo belaayo aakhiro kadib kolkii ay caqligeeda iyo xigmadeedii saraysay gaar-siisay iyadoo qof dumar ah inay ufekerto sidaa masuuliyadda ku jirto oo ay umaaraysay mixnadihii mulkigeeda ka hor yimi.