Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Aarki Sadam Xuseen Wuxuu Cadeyn U Ahaa Qof-nimadiisa Sareysa .. Daldalaadiisi Iyo Kalmadihi U Yiri Ee Ay Weli Xasuustaan Shacabka Reer Ciraaq

Friday - Feb 7, 2020



Dilki Sadam Xuseen, Waxaa la isla qiray oo Gaalo iyo Musllim isku wada raaceen inu ahaa Nin adag oo xayi ah ilaa iyo dhamaadkii .. Qofka marku dhimanaayo sida caadiga ah wuxuu dhahaa: Allow iga cafi dambiyadi waan ku iimaanayaaye, laakiin isagu ma usan oran wax ka mid ah ereyadaas sido kale ma muujin wax shaley ah .. Rubec oo ka mid ahaa Ragi wax ka daldalay ayaa yiri: marki la keenay goobti daldalaada wuxuu qabay Jaket iyo Shati Cad, kama arkin wax cabsi ah iyo codsi midna .. Dabacan dadka qaar ayaa rabay inaan dhaho wuu dhacay ama waa suuxay ama waa la soo jiiday, laakin xaqiiqdaan waa mid taariikh ah.

Rubec, ayaa warkiisi ku daray oo yiri: Markii aan keenay qolka daladalaada, wuxuu ahaa mid gacmo xiran wuxuuna haystay Kitaabka Quranka ah .. Waxaan u kaxeeyay ayuu yiri xaga qolka Qaadiga oo uu akhrinayay liski dacwadaha lagu eedeeyey ee ku muteystay dilka .. Saddam wuxuu ku celceshay ‘America dhimo, Israel dhimo, Falastiin ha noolaato!  Intaas ka dib Rubec baa u kaxeeyay qolkii uu ku dhiman lahaa .. In yar ka hor intii aan la Daldalin Saddam wuxuu bilaabay inuu akhiryo Ashahaada qiritaanka Islamka.

Sido kale Wax yar ka hor intii aan la daldalin, qaar ka mid ah dadkii goob jooga ahaa ayaa ku qaylinayay si ay uga caraysiiyaan iyagoo ku dhawaaqaya: Ha noolaado Imam Mohammed Baqr Al-sadri! Iyo Moqtada! Moqtada! kuwaas oo ah kuwa ka soo horjeeday Saddam kuwaas oo la dilay xiligii uu talinayay Sadam.

Sadam Xuseen, Wuu istaagay wuxuuna fiiriyay meeshii lagu daldali lahaa .. Markii la gaaray xiligii Saddam uu fuuli lahaa meeshii lagu daldali lahaa, lugihiisa waxay ahaayeen kuwa isku xiran, marka Rubec iyo kuwa kale  baa kor ugu jiiday Jaran Jarta .. Maydkii waxaa lagu qaaday Helicopter American ah oo lagaga qaaday xabsigii lagu daldalay iyadoo loo qaaday deeganka uu daganyahay Raiisul wasaaraha Nuri Al-Malili halkaas oo si adag loo ilaaliyo ama xayndaab adag leh loona yaqaan Soonka Cagaaran.

Kalmado U Yiri Sadam Xuseen Ee Ay Wali Xasuustaan Shacabka Ciraaq:

"Dadka Marqaati-yaasha ah waxey ka dhex hadlayaan qol aan daaqado lahayn. Micnaha aan ula jeedo waad fahmi kartaa"

"Daanyeerada markeey ku qoslayaan geedaha korkeeda Libaaxa wax dan ah kama-laha "Care ma siiyo"

"Nacla-tullah Bush iyo warbaahinta Isra'il. Waan ogahay in maxkamadaan ay kor joogto ka yihiin laakin maalin waxaa dhaceeysa aad ka shalaayi doontaan"

"Kitaabkaas gacanta iigu jira ayaan Aaminsanahay. Waligeeyna aaminsanaa, wax geeri ah kama baqayo laakin Ciraaq waxaad gacanta u galiseen Yahuud iyo Kufaar"

"Carab oo dhan waa gumeestayaal kor laga heysto .. Arag Sacuudig .. Arag Imaaraadka .. Arag Kuweet iyo maanta Ciraaq"

"Waxaan ka xumahay anigoo arkaya in dalkeeyga lagu soo duulay in dadkeeyga ay gacmaha iga xirxireen"

"I dhageysta Shacabka islaamkoow. Marnaba ha ogolaanina in dalkiina ay soo faragaliyaan yahuud iyo reer Galbeed"

"Kuwo daciif oo idinka mid ah ayey qalbiga ka xadayaan kadibna dalkiina ayey la wareegayaan. Waqtigii rasuulkana wey jirtay arintaas".