Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Xog Dahab Ah Iyo Xaqiiqo Sugan .. Hogaamiye Muuse Bixii Oo Shuruud La'aan Ku Aqbalay Inu Saxiixo Qorshe Ay Miiska U Soo Saartay Itoobiya Oo La Xariira Dekada Saylac

Wednesday - Feb 19, 2020



Waxaa maanta magaalada Hargeysa ka soo degay wafdi culus uu hogaaminayey Wasiirka Maaliyada dalka Itoobiya Axmed Shide .. kadib kulan albaabadu u xiran yihiin waxay wafdigaas wada hadal ay la yeesheen hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi .. Sida ay sheegayaan warar xog-ogaala oo soo Gaaraya shabakada Galdogob Times ayaa sheegaya in kulankan lagaga hadlay qodobo door ah oo la xiriira siyaasada Geeska Afrika iyo isbadalada ka socda.

Inkasta oo aanu jirin war ay maamulka Muuse Biixi ka soo saartay kulankan hadana wararka ay helayso Galdogob Times ayaa sheegaya in lays la qaatay qodobo muhiim ah oo la xiriira is-dhexgalka dhaqaalaha ee wadamada Geeska Afrika.

Wararka ayaa tilmaamaya in hogaamiye Muuse Biixi uu aqbalay qorshe ay miiska soo saartay dawlada Itoobiya oo la xariira damaca kaga jira dekeda magaalada Saylac.

Wefdiga ka yimi dalka Itoobiya ayaa hogaamiye Muuse Biixi hor dhigay inuu u saxiixo maalgashi ay ku sameeyaa isla markaana ay kula wareegaan Dekeda magaalada Saylac, taas oo hogaamiye Muuse Biixi shuruud la'aan ku aqbalay.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in laga wada hadlay qodobo kale oo muhiim kuwaas oo khuseeya qadiyada somaliland balse aanay labada dhinac ka gaarin heshiis ku saabsan qaabka loo meel marinayo.

Talaabadan uu hogaamiye Muuse Biixi qaaday ayaa ku soo beegmaysa waqti ay dadweynaha Awdal ay ku taalo dekeda Saylac ay ka sugayaan raali gelin iyo garawshiyo uu ka bixiyo xasuuqii uu ka gaystay goboladaasi .. Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Galdogob Times