Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Alla SWT Wuxuu Ina Ku Amray Haddey Masiibo Dhacdo Inaan Niraahno: Inaa Lilaahi Wa-Inaa ILeyhi Raajicuun .. Eeg Sheekooyinka Ugu Xiisaha Badan Ee Laga Faafiyey Coronavirus

Thursday - March 19, 2020



Xannuunka Coronavirus-ka waxa uu noqday midka ugu hadal haynta badnaa ee qarniga inna soo mara .. Laakiin waxaa lagu daray warar buun-buunin ah iyo khurafaad aan meelna haysan, waxaana dhacday inay cid waliba sida ay rabtay uga hadashay .. Haddaba bal eeg sheekooyinka la yaabka leh amase laga sameeyey xanuunkaas

1- Waxaa la arkay Nimankii Jaad cunka ahaa oo Qaadkii ku mayraya Jaafeel iyo Taydh.

2- Mashiinada xaadiriska shaqada ee xafiisyada ( Attendance Machines) oo la arkay cidiba far saari       wayday .

3- Waxaa la arkay xaflad Aroos oo qof af xiran mooyee aan cid kale ka qayb galin

4- Sheekh caan ah oo sheegay in Corona Virus Quraanka lagu sheegay iyo dawadiisa oo laga sugayo iney soo tabiso Galdogob Times

5- SWEDEN: Qof u dhintay xanuunkan oo dawladu diiday in maydkiisa la mayro. Arrintan oo caro
     ku abuurtay Muslimiinta halkaas ku nool ( waxaa laga xigtay Qaraabadii maydka)

6- Nin Somali-kanadiyan ah oo xaaskiisii hore ee ay kala tageen Number-keeda ku save-gareeyay                Corona Virus

7- Nin lacagtii baaqiqa Dukaan kaga cararay kadib markii ninkii dukaanka lahaa Qufac joojin waayay

8- Xukuumada Khyre oo dhinaca degaanka Kaaraan  ka samaysay Goob qofka xanuunka looga shakiyo      lagu karintimeeyo .. meeshan oo aad ugu dhaw xarunta Mucaaradka Shiikh Shariif

9- Shay-baarka ugu weyn ee ay Degmada Galdogob haysato oo noqday in qofkii laga shakiyaba la
   dhaariyo.