Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Waxay Mareysa Halki La Lahaa: Hal La Qalay Raqdeeda Baa Lagu Soo Qamaamo Qalalaashi-Baa Nin-ba Qurub Haleelay .. Injirti Itobiya Is Daba Yaaceysay Oo Isugu Habar-Wacday Arladi Somaliya

Sunday - March 22, 2020



Ciidamo iyo gaadiid hor leh oo Itoobiyaan ah ayaa jimcihii soo galay gudaha Soomaaliya kadib markii ay ka soo gudbeen magaalada Jigjiga ..ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in kolonyo badan oo ay boqolaal askar ah saaran yihiin ay soo gudbeen 48-dii saac ee la soo dhaafay usoo gudbeen Soomaaliya 

Ciidamadan oo ku wajahan qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha dalka waxaa dusha uga qornaa midowga Afrika .. Dowladda federaalka, AMISOM iyo xataa Itoobiya ma jirto cid ilaa hadda ka hadashay ujeedka loo keenay iyo wax loo adeegsanayo.

Arrintan ayaa dhalisay shaki weyn mar haddii inta dooxatada ku timaada ee Itoobiyaan ah ay ka badan yihiin inta sidata koofiyada AMISOM iyo ciidamada Itoobiya oo cinwaan u noqday in loo adeegsado cabburinta dowlad goboleedyada iyo guud ahaan federaalka ka hirgalay Soomaaliya.

Marka laga soo tago taariikhda gumeysi ee Itoobiya, dagaallo iyo loolan qarniyo badan dhexmarayey labada dal hadana Adis Ababa kuma shaqeyso sharci, mana ixtiraamto daris wanaagga iyo madax-bannaanida Soomaaliya .. tirada ciidamada itoobiya saxda ee u joogta somaliya waxaa lagu qiyaasay in ka badan 15,000, oo 11,000 oo ciidamadaas ah kama tirsana AMISOM, waxayna si sharci darro ah uga hawlgalaan  gudaha Soomaaliya.

Dowladda federaalka ah halkii ay xakameyn laheyd ciidamada Itoobiya, kana saari laheyd dalka kuwa sharci darrada ah waxaa ay dhiirigelisaa in qaar cusub yimaadaan, isla markaana ay adeegsato sida dhacday markii ay la dagaashay  Mukhtaar Roobow(2018), doorashadii Axmed Madoobe(2019), xiisadda Baladxaawo iyo doorashada Galmudug(2020).