Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Kheyre Uurka Dabaya Damac Kama Dhamaan .. Kheyre Iyo Axmad Madoobe Oo Khadka Is Gaarsiinta Ku Wada Hadlay

Monday - April 6, 2020


Waxaa Maalinba maalinta ka dambeysa dibada u soo baxaya war magaalada Nairobi hawadeeda sulux-sulux-leeynaya, warkaas oo sheegaya in xaga khadka talefoonka ay ku wada hadleen Xasan kheyre iyo Axmad Madoobe, hasa ahaate warkaas iyo wada hadlkooda wax faafaahin ah lagama bixin walo dad Axmad Madoobe ka agdhow ay carabka ku dhufteen in Xasan Kheyre u marka hore soo wcacay Axmad Maboobe, dabadeedna wada hadal kadib u Kheyre warkiisi ku soo aroorshay inu taageero buuxda u hayo Madax-tinimada Axmad Madoobe oo wax colaad gaara u haynin.

Warka ayaa intaa raacinaaya in Axmed Madoobe hadalka kheyre soo dhaweeyey, hasa ahaate u ka codsaday in taageeradiisa u ka sheego shirka golaha wasiirada, taaso la sheegay in Kheyre soo jeedintaas ku adkaatay, balse u ka cududaartay arimo xasaasi jira awgeed .. Dad badan oo u kuur-gala Loobiga iyo siyaasada ka socota Somaliya ayaa aaminsan in Xasan Kheyre si ay noqotaba isu sharixi-doono madax-tinimada Villa Somaliya horaanta sanadka soo socda, waxaana la qaba in ujeedadiisu tahay sidi u xiriir gaara ula yeelan-lahaa maamulada gobolada qaarkood oo hadda aan gacantiisa ku jirin .. Waxaa kalo warku intaa ku daraya waa sida la sheege: Xasan kheyre uma haysto Farmaajo Nin challenge badan ku sameyn-kara doorashada, oo shacabka mar labaad lagama gadi-karo si u ugu soo noqdo Villa Somaliya.

Dhiaca kalo waxaa soo hadal qaad mudan oo la tilmaamaya in siyaasiyiinti Habar-Gidir iyo madaxweyne qoor-qoor wax badan oo sira ah lagu heshiiyey wax badana lays ku afgartay, waxaana si gaara la isla qaatay meel marinta in xuquuqda beesha aan bohol lagula dhaa-dhcin, isla-maarkaana sidi Rag ka tirsan beesha ay uga qayb-gali lahaayeen halganka kursi u dirirka madax-tinimada Villa Somaliya oo aan lagu faruur-xirnaan siyaasiyiinta ku shaqeysa mabda' ah: Wanka macasha ii qabo, adigu gawrac ii miir dhiigana aan muud-sado , taaso madaxweyne qoor-Qoor si buuxda Suul iyo Saxiixba looga qaaday.

Dadka Soomali wax badan oo maanta hareeraha taagan wey is mooga-siinayaan oo aad arkeyso in dalki meel xun ku socdo oo marki daasad loo tumaba wax hubsi la'aan alalaasaya .. Xuunshaa Tri: Waxaan wax ku garta ama fahmaa marka: Dhagax i dhaafo, Midna agteyda ku dhaco, Midna igu habsado ee aan ku Ganac Go'o .. Dad badan oo Somali ah oo Saxanka wax loo saaro ayaa mar aan maanta ahayen waxay baraarugi-doonaan marka ay ganac go'aan