Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Eebow Siyaadi Iman Oo Naga Saar Sirta Sheydaanka Uu Wado Subaxanow Na Barakee Oo Sabir Yuu Sal-fududaan ILaahow Jidka Toosan Nagu Hanuuni .. Maxaa Faataxada Loogu Cel-celiya Rakacd Kasta

Tuesday - April 7, 2020




Maxaa Faatixada loogu celcelinayaa Rakcad kasta .. Faataxada waxaa ku jira ducada ah “ILaahow Jidka Toosan Nagu Hanuuni .. Waxaa la akhriyaa 17 jeer Ruux kasta oo Muslim ah.

Maalin kasta 24 ka saacadood, meel kasta oo dunida guud-keeda ahna, Salaadda waxaa ku tukada in ka badan Hal Billion oo Mulsim ah .. Dhamaan waxey ILaahey weydiistaan "ILaahow Waddada Toosan Nagu Hanuuni" oo waddada khaldan inaan qaadno naga badbaadi.

Qiyaastii waa 17 Billion oo jeer Maalin kasta oo daqiiqad kasta la akhrinayo ducadaas! Haddii ducadaas Quluubta loo siidaayo oo dariiqa khaldan la iska ilaaliyo, ducadaasi maqbuula ayey noqeneysaa.

Xanuunada, Abaraha Iyo Colaadaha, waa ciqaab ilaahay, Bal eega aayadda Qur’aanka oo sheegaysaa macnaha ah: "waxaan idinku imtixaameynaa Cabsi Iyo Gaajo" ..  Kitaabka Qur’aanka waxaa ILaahey usoo dejiyay in Aadamiga aan jidka noloshu ka khaldamin, wuxuuna na siinayaa tilmaamo iyo tusaalooyin lagu hago nolosha.

Waxaa intaas la jira, wuxuu ILaahey inoo soo diray Nabegeenii Muxammed NNK oo hadaladiisii iyo ficiladiisii ley-nooga dhigay tusaale aynu ku dayan karno raaceyno oo ah sida jidka toosan loo qaadi lahaa .. Eebow Camal Saliim Naga Yeel Oo Fitmaa Maanta Socota Sag-Sag Eebow Naga Dhowr Oo Islaam Wacan Naga Yeel ..  Subxaanow Na Bixi Oo Mulkigaga Na Siih Oo Nagu Saacid Malaigta .. Ebow Amin Alihii weynaaye.