Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Yurubey Ma Ka Tashatay Sidaan Bay Ku Dambeyn Oo Ma Ka Tashatay Sidaad Uga Bixi-lahayeed .. Yurub Oo Qabuuro U Sii Diyaarineysa Dadkeedi Oo Weli Nool

Wednesday - April 8, 2020




Cudurka ayaa waxaa u soo Ritay im ka badan 1.3 Milyan oo qof, halka ay u dhinteen in ka badan 74.000 qof guud ahaan dunida .. Cudurka Saf-marka ee Corona ayaa dowladaha caalamka wuxuu ku khasbay in ay u kala cararaan sidii ay u xakamayn lahaayeen faafidiisa.

Golaha hose ee dowladda Britain ayaa isku diyaarinaya in fayraska Corona ay u dhintaan dad cusub oo isbitaalada u jiifa qeybta xaaladaha deg dega ah .. waxay kanisadda Parish ee ku talla Cornwall  laga codsaday iney qodo qabriyo dheeri ah oo lagu aaso dadka u dhimanaya Coronavirus.

Guud ahaan, Yurub, Britain waxay isu diyaarineysaa la-tacaalidda haddii xaaladda ay sii xumaato iyadoo tirada dadka uu ku dhacay cudurka ay mareyso ku dhowaad 53 kun, halka 5385 qof ay fayraska u dhinteen.

Dad badan oo Yurub-taas ah ayaa isku diyaarinaya oo qodaya qabriyo dheeri ah, iyo qabuuro haddii loo baahdo lagu xabaali karo dad badan, waxaan mar walbo la xaqiijiyaa inay wax walba diyaar yihiin. 

Arintaan ma ahaa wax waligeed sidaan loo sameeyey waana wax xanuun badan  in qabri loo sii qodo dad aan weli dhiman . Waxay ka mid tahay dhacdooyiinka xanuunka badan ee dhacay waqtiga lagu jiro xaaladda adag, waxaa dadku rajeynayaa inaan qabriyadan la isticmaalin oo dadku ay iska nooladaan”.

Yuurub iyo UK ayaa la tacaaleysa cudurka Covid-19. Raisul wasaaraha dalkaas, Boris Johnson ayaa la seexiyay isbitaal ka dib markii xaaladdiisa ay sii adkaatay.

Horay ayuu Rai’sul wasaaraha Britain, Boris Johnson, ugu sheegay warbaahinta, in uusan wax walaac ah ka qaban in uu dadka gacanta ku salaamo, xili uu Britain cudurka ku sii faafayay, wuxuu ku dooday in muhiimadda ay tahay in qofka uu gacanta qof kale saarin.