Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Allaahu Akbar Bal Fiiri Awooda Alle .. Sheeko Looga Sheekeeyey Amiir Cumar Bin Khadaab Oo Ka Yaabisay

Saturday - April 11, 2020



Nin baa u yimid Cumar Bin Khdaab RC .. Ninkii wuxuu watay Wiil yar .. Cumar ayaa yiri, waxaan arkay maanta wax yaab leh, weligey ma arag nin cunigiisa saan ugu Eg yahay, markaasu ninki yiri: Cumarow ma ogtahay Wiilkaan iney Hooyadiis ay dhashay iyado Meyd ah, Markaasu Cumar Bin Khdaab RC intu fadhiga badalay yiri: iga sheeke sidee u dhashay iyado Meyd ah.

Ninkii wuxuu yiri: Wiilkaan isagoo caloosha hooyadi ku jiro ayaa safar ii soo galay, markaasey hooyadi tiri: halkee nooga tageysa anigoo xaamilo ah oo dhali-raba? hadaba markaan albaabka guriga ka baxayey ayaan caloosheeda gacanteyda saaray oo aan ku iri: ilaahoow adigaan kugu amaaneystay wilkeyga intaa kadib ayaan safarkii u baxay

Hadaba markaan safarki ka soo laabtay ayaan imid gurigi oo xiran, kadib dariska ayaa ii sheegay iney xaaskeygi dhimatay kadibna waxay ii keeneen casho .. anoo cashadi cunaaya ayaa waxaan arkay qiiq meel ka baxaya, kolkaas ayaan dadki weydiiyey waxaana ay ii sheegeen in qiiqaas yahay qabriga xaaskeyga, iyagoo waliba ii sheegay maalinti la aasay illa iminka inuu qiiqaas ka socdo .. waxaan iri Walaahay xaaskeyga inaan dadka dhan uga aqoon badanahay iney ahayed Qof taqiyad saalixad ah oo wixii xun reebta wixii wanaagsana dadka farta ayey ahayed .. Kolkaas ayaan dadki ku iri: soo baxa i raaca aan soo arke, waan soo baxnay markaan Qabrigi imaanay ayaa ku bilaabay inaan qodno, markaan qodnay mise waxaan aragnay xaaskii oo meyd ah oo fadhida iyo wiilki oo nool oo ag fadhiya kadib ayaan maqlay Cod leh: kii amaanada ilaahay u dhibtoow qaado amaanadaada .. Cumar RC oo intaa sheekada dhagaha u raaricinaayey ayaa la tacajubay oo Yiri Awood Alle Allaahu Akbar  

Culimadi arinta loo sheegay waxay yiraahdeen, Haddu dhihi lahaa Allahayow Wilkeyga iyo Hooyadiis ayaan kugu amaaneystay ayado nool buu ugu imaan-lahaa, laakiin qadarka Allaah ayaa ahaa inusan sidaa dhihin oo waqtigeeda ayaa intaa ku Ekaa.