Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waa Dhambal Caafimaad Qaba Oo Ka Yimid Xaga Galdogob Times .. Akhristow Waxaa Jira Cadaab Daran Bila Sanado Ah Aan La Hayen Maalmo Cayiman Ee Cadaab Ka Duceysta

Monday - April 13, 2020



Akhiristow, Aduunyada wixii caama iyo horumar caynku yahay-ba waa cimri kooban cidina ku waareyn .. Ciyaar ma aha marka lagu geeyo Qabriga waxaa un ku xiga waa su’aal culus oo ah: Waa Kee ILaahaaga , Waa Kuma Nabigaaga, Waa Maxay Diintaadu, oo dabadeed halkaad ku cabirto baa Rabiga kugu abaal celn. 

Akhristow waxa jira Cadaab Daran bila sanado ah oo aan la hayen maalmo cayiman oo cararaaya ee intaan Casarki adoo maran iyo inta ciida lagu jiifin oo aan Cadaab Qabriga lagugu cayuuqin oo Mas Cof leh iyo bahal intaan cadawo ku googoosan, Please Cilmiga Raacda oo Diinta ku carara oo caamada jahliga ka baxa .. is cafiya, Cibaadada badsada, oo cula quluubtiina .. oo Janada carfoon iyo Rabigiin camal san weydiista .. Codkii kaa yimaada, talaabadaad qaadeyso, wixii caqligaaga soo galo waa inaad Allaha Caadilka ah kaga cabsootaa.

Akhristow: Maalinta Nafluhu ciirsan-yahay cirid kulul la ii soo dhoobo, Cawrada banaan maalinta aan Cidi Cidi eegeyn iyo kafadaha is daba ciiraaya iyo camalka Miisaan ee calaacaluhu hadlaan waa maalintey cadaaladu jirto oo la is caraynaayo ee akhristow Ducada Ciirsada .. Janada iyo cadaabta waa Ninyo camalki-weeye oo kii Janada loo garto u helaayo Weel Dahab ah wada dhalaalaayo lagu cashey-siinaayo

Eebe Rasuul buu soo diray iyo Diin wax kasta tilmaameysa .. Carfoonow Rasuulki iyo waxyigi eebbe ku casuumey, Ruuxi caqiidada saxda yeesha eebe Mawle kugu casumo Janadu xaq buu u leeyahay .. Janadu waa waxaan Caliga Aadanuhu sina il u arag ..  Hablo Xuural-Ceyn ah joogaan oo lala ciyaaraayo, halka Sariiraha carfoon canabka, Malabka ceegaagaan iyo sido kale Miro udgoon .. halkaa Cimilada ilaahay siiyey iyo cadarka carfaaya iyo cunto ku diyaara .. Waa meel cajiiban aan siinaba u garaneyn, hasa yeeshe ciyaar laguma helo caynadaas qaaliga ah

Akhirstow, Rabigi aad Arag la'aan ku caabudeysay caynkiisa, baad caadi u arkeysa .. Walaal qofki caasinimo iyo gaalnimo doorta caro ilahay meel lagu ciriirinaayo baa jirta .. Waa meel dhagxaan lagu camiro iyo Aadami Caasi noqday .. Waa meel dabka caadigaa naruuro ka yahay oo sharaabka Biyaha iyo Caanaha midna aan dheef lahayen oo halkaas Qurunka, Mililka Caabuqa, Malax iyo Dhidid nafle dhareerkiisa laga miiray .. Ugu Dambeyn Allahayow Islaanimada nagu cisee oo nagu xoogee adaa caadil ahe .. aamiinta aan isku caawino waa codsiye