Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Haddi La Arko Qiiq Dab Abuuray Baa Jira .. Bulshada Reer Somaliland Oo Marki Ugu Horeysay Dood Midnimo Ka Dhex Bilaabatay

Tuesday - April 14, 2020



Waxaa Somaliland hadda ka jira doodo ku saabsan in dib loo furro Wada-hadalladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland waana arrin ay si wayn ugu kala qaybsan tahay Ummadda reer Somaliland, waxaase jira qaybo bulshadda ka mida oo aan la dhacsanayn rabitaanka guuxa wayn dhaliyay ee Wada-hadallada xilligan la istaaray. 

Dhinaca kale waxaa jira Madax-dhaqmeed aragtiddaas ka soo horjeedda, isla markaanna qaba inaanay suurto-gal ahayn Wada-haddalada Somaliland iyo Somaaliya, hasa ahaate iyagana waxaa jira Salaadiin kale oo aaminsan intaan la gaarin wada-hadalladaas in marka hore laga horaysiiyo Somaaliland Midnimadeeda oo sida ay ku doodayaan wax badan kala tirsanaysa, isla markaana tabashooyinka jira la dhammeeyo oo la abuurro Somaaliland la wada leeyahay oo laga wada dhex muuqdo.

Si kastaba ha ahaatee, waxa hadda muuqata oo aan shaki ku jirin in dhawaaqyadda Midnimo doonka ah ee Somaaliland waqtigaan ka istaarmay ay wax wayn ka badali doonto Qorshayaashii hirgelinta Madax-bannaanida Somaaliland oo aad moodo iney Sanooyin-kaan dambe marba marka ka dambeysa soo xirmryso iyaddoo ay Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo-na ay Adduunyada u sheegto maalin-kasta inay Somaaliland tahay qayb ka mida Somaliya .. Waxa kale jirta inaanay Xukuumadda Kornayl Biixi ila inta u xilka qabtay usan mar qura la iman dood adag oo ay dunnida ugu sheegayso inaanay qayb ka ahayn Soomaaliya, isla markaanna aannay maanta Somaaliland haysan hal Dal oo saaxiib la ah oo ku taageeri karra Qaddiyadda Madax-banaanida iyo Ictiraafka ay adduunyadda ka doonnayaan.