Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Alloow Naga Yeel Kuwi Abaalka Loo Galo Si Wanaagsan U Guta .. Boqor Doonay Inu Ciqaabo Khaadimkiisa Iyo Xeeladu Uga Badbaaday

Friday - April 17, 2020


Nin Boqor ahaa ayaa wuxuu lahaa Meel ay ku Xareysan yihiin 10 Eey oo Dad cun ah, Qofkii Dambi
Sameeya ayaa lagu Dhex Tuuri jiray meesha ay Eeyuhu ku jiraan .. Maalin Maalmaha ka mid ah Nin Shaqaale u ahaa Boqorka oo shaqeynayay Muddo 10-sano ah ayaa dembi galay, kadib wuxuu Boqorkii Amray in Ninkaas lagu Tuuro Eeyaha Xeradooda.

Ninkii ayaa ka codsaday Boqorkii in la siiyo fursad 10-Maalmood ah, ka hor inta aan la dilin,Codsigiisana waa laga Ogolaaday .. Ninkii wuxuu Aaday meesha Eeyuhu ku jiraan, wuxuuna weydiistay Ninkii Eeyaha Xanaaneynayay Masuulka ka ahaa inuu mudo 10-maalmood ah ka Shaqeeyo meesha xerada Eeyaha lagu Xanaaneeyo, 

Ninkii Eeyaha Masuulka ka ahaana wuu ka aqbalay dalabkiisa,wuxuu bilaabay inuu Eeyaha quudiyo oo la Ciyaaro, isagoo ugu dambeyn ka dhigtay Saaxiib ay aad u Jecel yihiin ..  Waxaa la Gaaray Mudadii la dili lahaa Khaadimki,waxaana lagu dhex Tuuray halkii ay Eeyuhu ku jireen, balse waxaa Boqorkii iyo dadkii u soo Daawasho Tagay Ciqaabta Khaadimkaas ay la yaab ku noqotay in Eeyihii oo dhammi Ninkii khaadimka ahaa ku soo ordeen oo ay Bilaabeen inay korkiisa fulaan oo hareerihiisa Istaagaan ayagoo aan wax dhib ah u geysaneyn.

Boqorkii ayaa weydiiyay waxa uu Eeyaha ku sameeyay, Khaadimki wuxuu ugu jawaabay:- Eeyahaan
waxaan u shaqeynayay Muddo 10-Maalmood ah, mana aysan iloobin Abaalka aan u galay, balse Adiga
waxaan kuu shaqeynaayay muddo 10-sano ah, Hal Maalin oo aan qalad galay ayaad ku iloowday
Abaalkii aan ku soo Sameynayay 10-kii sanno.

XIGMADA sheekada waa: Haddii Uu Qof Qalad Kaa Galo, Xanaaqu Yuusan Ku Gaarsiin Inaad Hilmaanto Abaalkii Iyo Wanaagii Badnaa Ee Qofkaas Hore Kuugu Sameeyay .. Alloow Naga Yeel Kuwi Abaalka Loo Galo Si Wanaagsan U Guta