Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Ramadaan .. Waa Bil Ay Quluubtu Ku Xasisho Digriga Iyo Nuurka Eebe Ee Ku Laran Naxariista Aan Duugoobin Oo Gilgisha Qoyanaanta Ruuxada

Wednesday - April 22, 2020



Waa bishii cibaadada Raxmada iyo naxariista isla markaana uu soo dagay nuqulada Qur'aanka ee ka imanayay toddobada samo dusheeda ..Waa bishii sadaqada iyo khayrka waana bil ilaah dartii looga tago cunista iyo cabida ilaa iyo gabal dhaca.

Waa bishii ay asxaabtuna cisayn jireen iyaga oo eebe ka tuugi jiray in uu ku simo si ay u muujiyaan dadaal dheeriya oo aan la mid ahayn wakhtiyada caadiga .. Quruuntii hore iyo ummadihii tagay waa bil ay ku waajib ahayd in ay u soomaan sidoo kale taas oo ay ka sinaayeen isla bishan

Waana bishii is cafinta is wanaajinta iyo isku damqashada isku naxariishada mujtamaca bar barkooda kale iyo is garab taagnanaata la garab taaganyahay bulshada intooda baahan.

Waa bishii akhrinta Qur"aanka badshada baryada Eebbe iyo la kulanka habeenka weyn ee ka khayrka badan kunka habeen ee laytul Qadriga .. Waa bil aad u weyn haddaba ha laga faa'idaysto,waana bil ay Quluubtu ku xasisho digriga iyo Nuurka Eebbe ee ku laran naxariista aan duugoobin taas oo gilgilaysa qoynsana ruuxda.