Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Waa Qaybti 5-Aad .. Waa Silsiladi Akhbaarti Zamanki Hore Ee Islaamka Oo Taxanaha Ahayed .. Qisadi Nabi Nuux CS

Wednesday - April 29, 2020



Nabi Aadam CS, Geeridiisii kadib waxa ka soo wareegtay Toban Qarni, .. Qarnigu wuxuu u dhigmi-kara Bool sano, balse xitaa wuxuu noqonkara Kun sano, Dadka waxay haysteen Diintii Nabi Aadam mudadaas, laakiin muddo kadib iyo geeridi Nabi Shiis iyo Nabi Idriis ee ka soo soo jeeday Nabi Aadam jiilashi ka dambeeyey waxaa fidneeyey sheydaamo, sidaa awgeed waxay bilaabeen inay ka barakaystaan Sanamyada, gargaarna waydiistaan. Waxaana dhacay shirkigii ugu horeeyey ee dhulka ka dhaca, waxay Eebe cibaadadii la wadaajiyeen Sanamyo iyo Looxyo ay gacmahooda ku sameeyeen.

Eebe Naxariistiisa waxuu ummadihi waqtigaas jiray u soo diray Nin ayaga ka mid ah, waa Nabigii iyo Rasuulkii Eebe ee Nuux .. Nabi Nuux oo markaas da'diisu ahayed 50 sano, isla markaasna ahaa nin xoog iyo lixaad leh wuxuu ummadi halkaas ku nooleyd ugu baaqay inay Ilaahay ka cabsadaan oo kaligii caabudaan kana tagaan Sanamyada ay la wadaa-jinayaan, laakiin boqorki  Darmashiil ee waqtigaas arladas xukumay ayaa muddo 3 sano xabsi ku cabay, dabadeedna marku ka soo saaray la siiyey digniin u ku joojiyo baaqaas ilaah-nimada u la yimid .. Laakiin Nabi Nuux wxuu ku jawaabay: kuma sugni baadil ee waxaan ahay Rasuul laydin soo diray oo waxa isoo diray Eebaha Koonka Abuuray, waxaana idiin gaarsiinayaa farrinntii Eebe waanan idiin Nasteexaynaya .. Nuux waa laga jeenstay waxaase rumeeyey dad masaakiin u badan oo iyagana markasta la gawrici-jiray .

Nabi Nuux Qoomkiisa waxa uu Cibaadada Eebe ugu Yeeyay 950 Sano"Sagaal Boqol iyo Konton ", isagoo adeegsaday wado kasta iyo farsamo kasta oo qof ibnu Aadam aha loogu yeero, laakiin qoomki uu u yeeray har iyo habeenba kor iyo hoos uma siyaadin waxaan firdhad ahayen oo markasta aan u yeeo ayuu yiri waxay farahooda galiyaan dhaga-hooda oo waxay ku madax adeegeen xumaanta waana is weyniyeen ugu dambeysti Nabi Nuux waxa uu yiri: Eebow way i caasiyeen waxayna raaceen kuwo aan xoolahoodu iyo Ubadkooda waxaan khasaaro ahayn aan u kordhinayn. ee Eeboow ha u kordhin Daalimiinta waxaan baadi ka ahayn.

Ugu Dambeyn Nabi Nuux waxa loo wax-yooday inu ku sameeyo Doon meel baadiya oo waxaa hawshaas tusay kuna gacan siiyey Eebe u soo diray Malak Jibriil .. Qoomkiisii oo yaaban ayaa soo maray Nabi Nuux isagoo Doonti sameynaya, waxayna ku dhaheen Nuux waa waashay oo doon ayuu meel Miyi ah ku sameynaya oo aaway ayey yiraahdeen Biyihi qaadi lahaa .. Nuux waxay ku sheegeen inu Nijaar u xuub-siibtay

 Nabi Nuux waa dhamaystiray Doontii oo waxa loo wax-yooday markaad aragtid calaamad iyo astaan uu garanyo in ay Doonta fuulaan isaga iyo cidda rumaysay, sidoo kalana xoolaha ka qaado mid kasta lab iyo dhidig oo dabeyl alle ayaa xoola kala nooc ah Doonta ku soo gurtay, wuxuu kalo Doonta soo saaray santuukh u ku jiray Meydki Nabi Aadam.. Calaamadii markay muuqatay ayaa Nabi Nuux amray in Ehelkiisa iyo cidii rumaysay ay fuulaan Doonta .. Nabi Nuux waxa uu dhahay ”Eeboow ii Gargaar oo Na Guulee” Eebena Waa Ka Aqbalay Ducadiisii.

Kadib waxa bilaabantay cadaabkii oo waxa uu Eebe furay Samada oo soo daysay Biyo aan kala go’ lahayn oo wada socda, sidoo kale waxa eebe amray dhulkana inuu soo daayo Biyo waxayna ku kulmeen meel cayiman.

Doontii waxay dhexmartay biyihii halka gaaladii ay ku yaaceen guryahoodii, laakiin roobkani ma ahayn mid caadiya ee waa cadaabkii ay dag-dagsanayeen. Markay biyihii dul mareen guryahoodii ayey dusha ka fuuleen guryahoodii hase ahaatee waa biyo aan waligood hore loo arkin ee waxay u yaaceen dhanka buuraha waaweyn, laakiin biyihi waxay qariyeen xitaa buurihi .. Nabi Nuux wuxuu arkay wiilkiisi  la oran jiray Yaam ka gaaloobay oo iyagi buuraha u sii raacaya kadibna waa u yeeray laakiin waa diiday oo wuxuu yiri Burta weyn ayaan fuulaya .. Nabi Nuux waxaa xag rabi laga yiri Ka shub  kan waxba isuma tihiine.
 
Doontii Nabi Nuux oo ay ku dhex jireen  80 Qof oo ay ku jiraan wiilashiisi Saam , Xaam iyo Yaafith iyo Yaxdoon oo ahaa wiil ku dex dhashay Doonta dhexdeeda .. Doonti waxay Dul hee-haabtay Mawjadaha Biyaha markaas Dadkii rumeeyey Nabi Nuux waxay u mahad naqeen Eebahood ka badbaadiyey halaagii Qoomkii Gaaleed .. Dunida korkeeda kuma harin Noole marka laga reebo inta saaran Doontaas oo waxay ahayed amarka Rabi .. Marki Dambe Eebe waxa uu amray Samada inay joojiso biyahay dhulkuna liqo .. Samadii iyo dhulkiiba way joojiyeen biyahii iyagoo adeecaya Amarka Eebe, markaasna Doonti waxay istaagtay Buur ku taal Wadanka Ciraaq oo la yiraahdo Juudya .. Qoomkii Nabi Nuux waxa ka farcamay oo kaliya Ubadkiisii, dhamaan dadkii kale way dabar go’een.

Ugu danbayntii Nabi Nuux waxa u dardaarmay wiilshiisi isaga oo saaran furaashkii geerida waxaanu yiri: Awlaadeydiyey hadii Todobada dhul iyo todobada Cir la saaro kafad dhanka kalena la saaro kalimada Tawxiidka ee " Laa ILaaha ILa Laah "waxa cuslaanaysa kalmada Tawxiidka .. Kadibna waa geeriyooday Nabi Nuux Naxariis iyo Nabagalyo korkiisa ha ahaato .. Eebe waxaan ka baryaynaa inuu inoo danbi dhaafo, Janadiisana na galiyo xisaab la’aan iyo cadaab la’aan Aaamiin.