Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Qaybti 15-Aad .. Ku Xirnow Taxanaha Akhbaarti Zamanki Hore Ee Islaamka .. Beesha Yuhuuda Ee Ku Nooleyd Madiina Oo Ku Sheegtay Nabi Suleymaan Inu Ahaa Sixiroole Iyo Jawaabti Eebe Ka Siiyey

Saturday - May 9, 2020



Yahuudii deganayd magaalada Madiina ayaa maqashay in Nabigii Ilaahay Maxamed CSW u ku tilmaamay Suleymaan ibnu Daa’uud inuu ahaa Nabi .. dabadeed Yahuudi intay u tagtay Nabiga ayey ku dhaheen Suleymaan Nabi muusan ahayn ee Sixiroole ayuu ahaa oo hadana yiraahdeen labada Malak ee Jibrii iyo Miikaa’iilna way necbaayeen oo way ka xannaqi jireen markay maqlaan magaca Suleymaan ayagoo u tiirinayey inu ahaa kan dadka sixirka baray.

Nabigii Ilaahay waxa lagu soo dajiyey Aayada 102 ee Suurada Baqara, oo tilmaamaysa in Nabi Suleymaan aanu ahayn Sixriroole ee hantida iyo xoolahana Eebe siiyey oo ku manaystay .. Aayada sharafta leh waxay kale oo tibaaxday in Shayaadiintu dadka Sixirka bareen sidoo kale labada Malak ee Jibriil iyo Miikaa’iil bari ka yihiin been abuuradkan Yahuudu sheegatay.

Yahuudu waxay aminsan-yihiin in Suleymaana Mulkiga ku helay Sixir iyo fal ayagoo iska indho tiraya in ilaahay kor ahaayee siiyey Nabi Suleymaan Mulkiga .. Geeridii Nabi Suleymaan kadib waxay Shayaadiintii u shaqayn jirtay Nabi Suleymaan soo saareen Kitaab uu qori jiray nin la oran jiray Aasif ibnu Barkhiya oo ahaa ninkii qori jiray waxyiga Nabi suleymaan. 

Kitaabkan oo ku duugnaa kursigii Nabi Suleymaan hoostiisa, markaasay Shayaadiintii ku dartay hadalo Sixir iyo Shirki ah, kadibna dadka ku dhex faafiyeen in Nabi Suleymaan adeegsan-jiray sixir.

Yahuuda oo ka tagtay diintii xaqa ahayd ee Nabi Muuse CS kuna caan-baxday eedaynta iyo dhaleecaynta Nabiyadii Ilaahay ayaa been abuuradkaas wayn ka sheegayn Nabigii ilaahay ee Suleymaan CS ..  Hadaba maadaama ay arrintaasi ku dhex faaftay dadka dhexdooda waxa la faray laba Shakhsi oo la kala yiraahdo Haaruut iyo Maaruut inay dadka baraan Sixirka ayagoo dhahaya anagu fitno ayaan nahay ka hor intaanay dadka barin, cidii naga barata Sixirkana maalinta Aakhiro nasiib kuma laha .. Labadan shakhsi ee la dhaho Haaruut iyo Maaruut waa laysku khilaafay inay ahaayeen Malaa’ik ama Bani Aadam.

Sii kastba ha ahaatee waxa ummadda dhexdeeda ku faaftay xadiis oranaya labadan shakhsi waxay ahaayeen laba Malak oo shahwada bani Aadamka ee aduun jecaylka lagu imtixaamay, kadibna ay Gabar fitnaysay, oo markay macsidii ku dhaceen ayey u sheegeen magaca Ilaahay ee wayn kaas oo ay Malaa’iktu ku fuulaan samada sare.

Gabadhii way qaadatay oo markay maraysay hawada sare ayaa la nasakhay oo ay isu badashay Meeraha Suhra ama Venus. Kadibna Haaruut iyo Maaruut ayaa la kala doorsiiyey in aduunka lagu cadaabo ama Aakhiro, waxayna doorteen cadaabka aduunyada .. Xadiiskan oo dadka dhexdooda ku faafay waa mid daciif ah oo culamadu daciifiyeen meelaha iyo sida loo soo xigtay

Si kastaba ha ahaatee Eebe waxa uu doonaayay in dadka lagu imtixaamo barashada Sixirka iyo in hadii uu Suleymaan hantidiisu ahayd Sixir iyo faal inay bal mulkigiisii oo kale la yimaadaan haday awoodaan .. Yahuudii oo ogayd in cilmigani yahay Sixir oo Ilaahay agtiisa xaaran ka yahay way barteen oo Aakhiro ayey dhaafsadeen waxa aan waxba u tarayn.

Eebe (SW) waa cadeeyey in mulkiga Suleymaan aanu ahayn Sixir iyo faal toona, ee cida gaalowday ee Sixirka iyo falka adeegsatay ay ahaayeen Shayaadiinta .. Labadan shakhsi waa Haaruut iyo Maaruut waxay ahaayeen Jinni ama Bani Aadam waa sida ay xaqiijiyeen culumada Ibnu Kathiir iyo Qurdubi. Sababtuna waxa weeye Malaa’ikta Ilaahay ma caasiso mana baraan dadka Sixirka iyo Gaalnimada.  Eebe oo ka hadlaya Qisadana wuxuu ku sheegay Suurada al-Baqara, (102)