Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Nin Somaali Ah Oo lagu Hayo Xabsiga Guantanamo Ee Dalka Mareykanka

Tuesday - July 8, 2008

Guantanaamo : Muddo toddobo sano ku dhow ayuu Maxamed Saleebaan Barre ku jiray xabsiga Guantanamo ee uu Mareykanku ku hayo boqollaal qof oo ku eedeysan falal argagixiso, Laakiin marna si rasmi ah looguma soo oogin wax dambi ah.

Sanadkiiba mar, gole qarsoodi ah oo ay Dowladda Mareykanku u xilsaartay dhageysiga dacwooyinka maxaabiista, ayaa qiimeynayey kiiskiisa. Golahaas ayaa Mr. Barre u diiday inuu arko caddeymaha lagu heysto, waaba haddii ay jiraane. Waxayna sanad walba go'aamin jireen in xabsiga lagu sii hayo.