Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Qaybti 16-Aad .. Ku Xirnow Taxanaha Akhbaarti Zamanki Hore Ee Islaamka .. Nabi Yuusuf Oo Ahaa Adoon La Kala Gato Oo Marki Dambe Noqday Wasiirka Maaliyada

Monday - May 11, 2020



Nabi Yuusuf markuu xoogaystay oo qurux batay ayaa Xaaskii Boqorki Caziiz dalabtay.Kadibna waxay xirtay albaabadii, ayadoo is qurxisay oo is udgoonaysa markaasay ku tiri Kaalay, oo waxaad rabto samee .. Nabi yuusuf oo Eebe siiyey xikmad iyo Cimi waxa uu xasuustay Eebihii abuuray oo waxa uu ka cabsaday inuu ku dhaco Sino markaasuu yiri Eebe Ayaan kaa magan galay.

Nabi Yuusuf waa ka orday isaga isleh albaabka ka bax, balse waxay qamiiskiisii ka goysay gadaal, waxayna kula kulmeen ninkeedii irrida agteeda Boqorki Caziizka xaaskiisii waxay ku tiri ninkeedii maxaad ku abaal marin cid Ehelkaaga (xaaskaaga) la doonay xumaan, aan ahayn oo kaliya in la xiro ama la ciqaabo cadaab daran mooyee.

Nabi Yuusuf waxa uu yiri ayada ayaa igu xad-gudubtay, oo nafteeda ii dalbatay. Markay arrintii adkaatay ayaa waxa u marag furay Marag ka tirsan ehelkeeda oo dhahay haddi Qamiiska Yuusuf ka go’an yahay xagga hore ayadaa run sheegi, isna waa beenaale.

Haddiise qamiiskiisu ka go’an yahay xagga danbe waxa been sheegaysa waa xaaskaaga, isaguna waa runsheege. markii ay arkeen in Qamiiskiisu ka go’an yahay xagga danbe ayuu Ninkeedee yiri Yuusufoow ka leexo(jeedso) arrintan, hana  faafinin warka. Adiguna (Xaaskiisii) ka toobad keen ficilkan xun, waxaad ka mid tahay kuwa gafaye.

Si kastaba ha ahaatee waxa faafay warkii, waxaanu gaaray dumarkii magaalada ayaga oo leh, xaaskii boqorka Caziizku waxay khaadimkeeda u doontay nafteeda, oo waxay damacsanayd inay ku xad-gudubto, waxa qaaday jacayl daran.

Xaaskii boqoe Caziizku markay maqashay dhagarta haweenka ayey marti-qaaday, kadibna u dhiibtay mid kasta Mindi, kadibna waxay amartay Yuusuf inoo soo baxo, markay arkeen haweenkii Yuusuf ayey gacmaha (faraha) is gooyeen oo dhaheen kani maaha bashar ee waa malag sharaf leh.

Markay is gooyeen faraha ayey xaaskii boqorka Caziizku tiri, kaasi waa waxaad igu canaanayseen, aniga ayaana naftayda u doonay, haddii aanu samayn waxa aan farayana waa la xabsin, waxaanu noqon kuwa dullooba .. Nabi Yuusuf waxa uu Eebe ka baryey inuu ka jacel yahay jeelka (xabsiga) waxay haweenku ugu yeerayaan. Eebana waa ka aqbalay markaasaa la xabisay Nabi Yuusuf, isaga oon waxa gaf ah galin. waxaana uu xabsiga ku xirnaa muddo badan.

Intuu Jeelka ku jiray ayaa waxa arkay laba Nin oo dhalinyaro ah oo kula jirey xabsiga, markaasay waydiiyeen Nabi Yuusuf inuu ufasiro riyo ay arkeen.  Mid ka mida ayaa yiri Yuusufoow waxaan arkay riyo anoo miiraya khamri, halka kii kalena ka yiri waxaan arkay aniga oo madaxa ku sida kibis (sabaayad) ayna cunayso shimbir, ee nooga warran fasirraadeeda waxaan kuu aragnaa inaad tahay samo falayaashee.

Nabi Yuusuf wuxuu yiri saaxibadayda xabsigoow ma waxa wacan ilaahyo fara badan, mise Eebaha wayn ee awooda leh. Waxaad caabudaysaan waa sanamyo aad idinka samayseen, Eebana uma soo dajini wax xujo ah. Xukunka waxa iska leh Eebe, waxaanu idin faray inaad Eebe kaligii caabudaan, taasina waa diinta toosan .. Nabi Yuusuf markuu dhameeyey wacdigii, ayuu ufasiray riyadoodii, waxaanu dhahay saxibadaydoow midkiin waa la sii dayn oo waxa u waraabin sayidkiisa Khamri, ka kalena waa la dili kadibna la salbin oo shimbiruhuna madaxiisa ayey cuni.

Nabi Yuusuf waxa uu ku yiri kii uu filaayey inuu badbaadayo inuu xuso sayidkiisa agtiisa, balse waxa illowsiiyey Shaydaan. Arrinkiina waxa uu udhacay sidii Nabi Yuusuf ugu fasiray.

Nabi Yuusuf waxa uu baaqi ku sii ahaaday xabsigii, waxaana la dhahaa ugu yaraan todoba sano ayuu ku sii jirey xabsiga, isagoo u xiran danbi la’aan.

Maalin maalmaha ka mida ayaa boqorkii Masar riyooday, waxaanu arkay Todoba Sac oo shilshilis, oy cunayaan todoba Sac oo wayd ah, sidoo kale waxa uu arkay todoba sabuul oo cagaaran iyo kuwa kale oo abaar ah, markaasuu boqorkii argagaxay oo warsaday dadkii ka ag dhowaa, kana dalbaday inay u fasiraan riyada balse waxay dhaheen dadkii, waa riyo aan run ahayn mana naqaano sida loo fasiro riyada.

Ninkii ka badbaaday dilka ee la xirnaa Nabi Yuusuf, ayaa maqalay oo ku dhahay boqorkii anaa garanaya Nin inoo fasirraya riyada, ee idira aana soo warsane .. Ninkii waxa uu utagay Nabi Yuusuf waxaanu uga warramay riyadii, Nabi Yuusuf waa u fasirray, isagoon wax shardi ah ku xirin, waxaanu yiri waxa imanaysa todoba sano oo barwaaqo ah, waxaana ku xigaysa todoba sano oo abaar ah, ee waxaad beeraha ka soo goosataan daaya oo kaydiya, waxaad cuntaan mooyee. Intaa kadib waxa imanay sanad ay dadku barwaaqo noqonayaan.

Markii boqorkii loo sheegay fasirkii riyada ayuu dhahay ha la soo daayo Yuusuf, balse Nabi Yuusuf waa diidey inoo kasoo baxo jeelka illamaayo ay haweenkii dhagriyey bari yeelaan .. Markii haweenkii gacmaha is gooyey loo tagay iyo xaaskii borka Caziizku ayey dhaheen, “Iminka ayey xaqii timid, aniga ayaa naftayda la doonay, waxaanu ka mid yahay isagu kuwa runta sheegay.”

Markaasaa warkii ku faafay magaalada, oo la ogaaday in Yuusuf bari ka yahay wixii loo xiray ayaa Boqorki yiri ii keena Yuusuf, hay noqdee taliyahayga markaasu Nabi Yuusuf dalbaday inuu ka dhigo masuulka khasnadaha, sabatoo ah waxaan u leeyahay Cilmi waxaanan ahay aamin.

Nabi Yuusuf oo kal hore ahaa adoon lakala gato, maanta waxa uu ka yahay wadanka Masar wasiirka maaliyada, waxaana gacantiisa ku jirta xukunka Masar iyo dhaqaalaheeda.

Markay gaartay todobadii Sano ee abaarta ahayd ayey dhibtii gaartay Nabi Yacquub iyo ehelkiisa oo daganaa Falastiin, kadibna waxay ubadkii Nabi Yacquub maqleen in xaakimka Masar yahay nin aad u fiican oo dadka u roon, markaasay u safreen Masar si ay uga soo adeegtaan.