Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Qaybti18-Aad .. Ku Xirnow Taxanaha Akhbaarti Zamanki Hore Ee Islaamka .. Halkee Bey Ku Dhamaatay Noloshi Nabi Idris CS

Wednesday - May 13, 2020



Alle wuxuu ku amaanay Aayadihiisa Idriis oo ku sheegay inu ahaa Nabi Iyo Runlow .. nasabka Nabiga Abtiriskiisa wuxuu gala Aadam Iyo Shiis, waxuu ahaa kii ugu horeeyey ee loo soo diro Nabi ahaan.

Idriis wuxuu ahaa Ninki ugu horeeyey ee wax ku qora Qalin, waxuuna dhashay Aadam oo Sadex Boqol iyo Sideed Sano oo weli cimrigisu uga harsantahay .. Alle ayaa u waxyooday Nabi Idriis CS oo Yiri: Waxaan kor kugu soo qaadi-doonaa maalin walba isla Camaladaada wanaagsan markaasu Idriis wuxuu doonay inu kordhiyo Camaladiisa iyo Daacadiisa.

Nabigi,waxaa soo booqday Malag ay saaxiib ahaayeen markaasu Idriis ku yiri: Alle wuxuu ii waxyooday sidaas iyo sidaas, marka fadlan ma la hadli-karta Malaku Mowdka inuusan ii imaan oo ii siiyo hakasho Cimri si aan u siyaadsado Camalo wanaagsan iyo kheyr .. Malagii baa la kacay oo wuxuu ku qaaday baalashiisa oo u qaaday xaga iyo Samada Sare .. Markii u gaaray Samada Afaraad, waxay la kulmeen Malaku Mowd, oo u soo dagaayey dhulka si u nafta uga qabto Idis

Malagii baa kala hadlay arinkii idriis uu ka codsaday mar hore oo ahaa in loo kaadiyo xoogaa oo loo dheereeyo Cimrigiisa .. Malakul Mowdkii wuxuu yiri: laakiin aaway hadda idriis? wuxuu yiri: wuxuu saaran yahay Dhabarkeyga .. Malaka Mawdkii wuxuu yiri waa wax la yaab leh waxaa la ii soo diray oo lay faray inaan ku qaado ruuxadiisa oo ku oofsado Samada Afaraad, waxaana intaas ka fakaraayey sida aan uga qaadi-karo naftiisa Samada Afaraad isago jooga dhulka .. Markaasu Ruuxadiisi ka soo saaray jirkiisi, waana meesha ay aayadada ku leedahay " Oo waxaan u qaadnay meel sare".      La soco qaybaha kale ee Akbaari Zamaanki Hore