Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Qaybti 19-Aad .. Ku Xirnow Taxanaha Akhbaarti Zamanki Hore Ee Islaamka .. Qisadi Qoomki Nabi Luud CS Iyo Cuquubadi Ku Dhacday

Thursday - May 14, 2020


Luud waxaa adeer u ahaa Ibraahim CS .. Qisada Qoonkii Luud Iyo Cuqubadi ku dhacday, waxay ahayd dhacdo naxdin leh oo dhacday intii uu noolaa Ibraahim CS .. Nabi Luud CS waxuu ugu yeeray Qoonkiisi cibaadada Alle oo kaliya, iyo iney ka joogaan dhaqankooda xun ee haweysiga Ragaa ah ee aanay cidna kaga horeyn .. ka sokow falkaas foosha xun, waxay goyn jireen jidka oo dhac iyo boob u geeysan jireen musaafiriinta .. waana ay diideen baaqiisi iyo waanadiisii wanaagsaneyd, waxay ku sii socdeen dhaqankoodi xumaa ee khanisnimada ahaa, waxay u muuqdeen kuwa aan dooneyn wax waano ah iyo cid wanaag u sheegta heer ay ku hamiyeen iney Luud ka saaraan magaalada, hasa ahaatee Alle si sharaf leh Qoyskii Luud looga qaaday magaaladi Sharka badneyd oo halkaas ku badbaadeen Luud iyo Reerkiisa marka laga reebo xaaskiisi.

Markii uu Luud arkay ineyan geedna uga waaban dhaqan-koodaasi xun, wuxuu baryey Allaah oo ka dalbay inuu uga hiiliyo Qoonkiisa .. Allaah waa uu aqbalay baryadiisi, oo muujiyey caradiisa Luud awgi sida loo xumeeyey dartiis.

Waxuu Alle soo diray malaaigtiisa si uu u ciqaabo Qoonkii Luud, waxay malaaigtii horay u soo mareen ibraahim CS, waxay ugu bishaareeyeen wiil Cilmi badan oo la yiraahdo Isxaaq, sido kale waxay u sheegen ciqaabka ay doonayeen iney ku asiibaan Qoonka Luud la halaagi-doono dadka magalada oo daallimiinta ah .. Ibraahim wuxuu ku yiri Malaaigtii; waxaase magaalada ku jira Luud, waxay Malaaigtii ku jawaabtay oo tiri: Innaga baa ogsoon waxa jooga halkaa, oo waa badbaadin-doonaa Luud Iyo Ehelkiisa marka laga reebo Marwadiisa.

Culimada waxay yiraahdeen: Malaaigtii u timid Ibraahim waxay ahaayeen Jibriil, Mikaaiil iyo Israafiil, markay yimaadeen magalad Sodom oo hadda ah (Urdun) waxay ku yimaadeen muuqaal Wiilal yar-yar oo Qurux badan, si uu Alle u eego oo ku oogo xujada oo ay u mutaan ciqaab-kooda, waxaana marti galiyey Luud , waxayna ahayd goor gabal dhac ah.

Luud wuxuu ka baqay haduusan marti galin iney gacanta u galaan qolo kale oo halis galaan. ma ogeyn iney ahaayeen Malaa'ig loo soo diray iney ciqaabaan Qoonkiisa, wuxuu u qaatay iney yihiin dad caadi ah .. Luud waa u murugooday dartood oo ciriiri-yooday .. markii ay Malaaigtaa u timid Luud wuxuu ka shaqeynaayey Dhul u lahaa, waxay ka codsadeen inu marti galiyo, waana ka xishooday inu diido codsigooda, waayo horay ayey u soo martay taaso kale oo loo xumeeyey martidiisi

Luud waxuu hor socday Maliigtaas hortooda isagoo ku si jeeda guriigiisa, illa Sadex jeerna wuxuu isku dayey inuu u sharxo iney ka laabtaan magaladaan, oo waxuu u cadeeyey oo yiri; Walaahi kuma ogi arlada dusheeda wax ka Shar badan oo ka kheyr daran dadka degan magaaladaan .. Malaaiigta waxaa la faray ineysan halaagin qoonkaas jeer uu Nabigooda ku marag furo iney yihiin qoon baas oo belo ah.

Nabi Luud martidi wuxuu keenay gurigiisa, cidna ma ogeyn iney yimaadeen aan ka ahayn Reerkiisa. hasa ahaatee waxaa baxay xaaskiisii oo ku soo war galisey Qoonkeeda arinka martidaas, waxay tiri: waxaa jooga guriga Luud niman aan weligey arag wax ka muuqaal iyo qaab wanaagsan oo ka wajiyo Qurxoon. markaasay yimaadeen Qoonkiisi oo ku soo Rooreen gurigi .. Luud wuxuu ku yiri kuwaani waa martideydi ee ha i fadeexeynina, oo ka cabsada Allaha oo ha i dufeynina.

Malaaiigtii waxay u sheegeen Luud ciqaabka ku dhici-doona Qoonkiisa iyagoo leh " Subaxa Baa Madashooda Ah, Saw ma aha Subuxu Wax  Dhaw" ( Q 11:81),. markii uu Luud debada kaga baxay magaalada isagoo ay weheliyaan Reerkiisa, kuwaasoo ahaa Labadiisa Gabdhood oo keliya, Qofna ma raacin, waxaase la sheegay in xaaskiisa ay la socotay hasa ahaate markii ay maqashay Qaylo daran iyo Qarax weyn iyo ka soo tuurida magaalada Cirka, waxay u laabatay Qoonkeedi oo sidaas ku caasiday amarkii Rabigeed, waxay tiri: "Alla Tolkeygiiyow" markaas dhagax calaamadeysan ku soo dhacay oo digada ka dhigay.

Waxaa la sheegay in Jibriil uu jiridda uga gooyey magaalada iyo wixi hareeraheeda ahaa .. waxay dhamaan ahaayeen Todobo magaalo oo leh dadkeedi iyo duunyadoodi .. wuxuu u Qaaday Samada oo Afgambi u rogay oo sidi Roob dhagxaan dhoobo duuban ah" Sijiil" oo is daba jooga .. dhagaxyadaas oo laga soo calaamadeeyey xaga Rabiga, dhagax walba waxaa ku dhignaa magaca Qofka loogu tala galay iney ku dhacdo.