Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Qaybti 20Aad .. Ku Xirnow Taxanaha Akhbaarti Zamanki Hore Ee Islaamka .. Waa Qiso Ku Saleysan Hadaad ILaahay Run U Sheegto Asna waa Ku Rumeyn

Friday - May 15, 2020

Ma ogtahay hadii aad ILaahay run u sheegto inuu Ilaahayna kuu rumaynayo wixii aad rabtay. Waxa nabigeena (scw) u yimid nin reer baadiye ahaa, wuxuuna ka dalbaday inuu raaco .. Nabigu (scw) wuu ka aqbalay, wuxuuna saxaabadiisa u dardaarmay inay daryeelaan.

Maalintii danbe ayey Muslimiintii weerar qaadeen, wayna guulaysteen kadibna Qaniimadii ayaa qeybtiisa la siiyey ..  ninkii reer baadiyaha ahaa ayaa su'aal weydiiyey ninki qaybtisa siinaayey, oo yiri maxaa xoolahan la igu siiyey? Nabiga (scw) oo su'aashiisa maqlay ayaa ku Yiri: waa dheeftii ama qeybtii aad qaniimada ku lahayd.

Ninkii wuxuu yiri: Anigu inaan xoolo qaato kuuman soo raacin, waxaan kuu soo raacay in leeb igaga dhaco halkaas hunguriga oo dhinaca kale ka baxo, kadibna aan dhinto oo aan jannada galo. Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yiri: “Hadaad Ilaahay run u sheegto wuu kuu rumayn”

Mudo yar kadib, waxa dib u bilowday dagaalkii waxaana nabiga (scw) hortiisa la mariyey ninkii oo la sido, sidoo kalena hunguriga ay kaga dhacday leeb oo dhinaca kale uga baxay, markaasuu Rasuulku (scw) yiri: “Isagu ma isagiibaa?” Waxay dhaheen saxaabadii: Haa oo waa isagi .. Wuxuu Rasuulku (scw) Yiri: “Run ayuu Ilaahay u sheegay, Ilaahayna wuu u rumeeyey” [Sunan Al-nisaa:1953 ]

Dhinaca kale oo qisadaan la xariirta .. Amiirkii mu’miniinta ee Cumar ibnu Khadaab, ilaahay raali ha ka ahaadee wuxuu Ilaahay waydiistay inuu noqdo Shahiid isagoo jooga magaalada Madiina oo ahayd caasimadii muslimiinta.
Maadaam uu Ilaaahay run usheegay, Ilaahayna waa ka aqbalay, wuxuuna u soo dira nin Adoona oo Gaala, oo la oran jiray Abu Lu’lua al-Majuusi, kasoo dilay Cumar isagoo salaad subax tujinaaya muslimiinta oo aayad ayaa oraneysa “Mu’miniinta waxa kamida rag oofiyey ballantii Ilaahay ay la galeen, kuwa ayaga ka midana kuwa gutay ajashoodii (dhintay) iyo kuwa sugayaba, manaysan badalin” [Suuratu Al-axzaab:23]

Ruuxa mu’minka ah waxa looga baahanyahay in hadalkiisu runyahay, oo qalbigiisa ka soo baxay ay ka tahay daacad iyo ikhlaas, sidaasoo kale ficil-kiisuna waa inuu yahay daacadnimo iyo ikhlaas, markaas ayaa Rabbiga wayn (swt) isaguna rumaynaa himilooyinka iyo rajooyin-kaagaba.